Header Ads

RASMI: Andres Iniesta Oo Ku Guulaystay Xidigii Sanadka Ee Xulka Qaraka Spain Ugu Fiicnaa Iyo Qaabkii Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinaha Horyaalka La Liga.

RASMI: Andres Iniesta Oo Ku Guulaystay Xidigii Sanadka Ee Xulka Qaraka Spain Ugu Fiicnaa Iyo Qaabkii Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinaha Horyaalka La Liga.

Waxaa maanta la qabtay xaflada amaal marinaha horyaalka La liga ee xili ciyaareedkii hore iyada oo la bixiyay abaal marinaha ugu muhiimsan ee xili ciyaareed kasta loogu tartamo heerka shaqsiyadeed. Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta gool dhalinta ee Pichichi iyo xidigii La liga ugu fiicnaa kadib markii uu 37 gool ka soo dhaliyay 34 kulan isla markaana uu abaal marintan maanta gudoomay.

Laakiin waxaa jiray abaal marino kale oo la bixiyay waxaana ka mid ahaa abaal marinta goolhayihii horyaalka La liga ugu fiicnaa xili ciyaareedkii hore taas oo uu markale ku guulaystay goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak kaas oo noqday goolhayaha sameeyay heerka ugu fiican ee gool badbadbaadinta ama shabaqa nadiifta ah ee xili ciyaareedkii hore.

Laakiin kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ku guulaystay xidigii xulka qaranka Spain uu fiicnaa isaga oo ka hadlay hamigooda koobka aduunka ee Russia. Waxyaabihii uu Iniesta la soo gaadhay xulka qarankiisa iyo qaabka uu ilaahadda heerka ugu saraysa ugaga ciyaarayo ayaa ah mid ay yar tahay in ciyaartoy badanigaadhaan

Dhinaca kale xidiga kooxda Celta Vigo ee Iago Aspas oo dhawaan ku guulaystay xidigii horyaalka La Liga ee bishii hore ugu fiicnaa ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta Zarra ee xidiga sanadkan 2017 goolasha ugu badan ka soo dhaliyay horyaalka La Liga ee ka soo jeeda dalka Spain

Andres Iniesta oo markii uu abaal marinta xidigii sanadka ee qarankiisa Spain ugu fiicnaa uu gudoomay ayaa dareenkiisa iyo hamiga xulka qarankiisa ka hadlay wuxuunayidhi: “Kooxda aanu haysano, waxaanu ku fogaan karnaa koobka aduunka. Waa wax cadan ah in ay waajib nagu tahay in aanu Russia u safarno anaga oo leh hamiga ugu sareeya. Tartankii ugu danbeeyay waxa uu ahaa mid niyadjab leh, sidaa daraadeed taasi waxay digniin u tahay kooxda hadda”.

Intaa kadib Iniesta ayaa ka hadlay kulanka El Clasico ay kooxdiisa Barcelona u safri doonto Bernabeu oo ay Madrid kula soo ciyaari doonto iyada oo 11 dhibcood ka saraysa wuxuuna yidhi: ” Waxaa waajib nagu ah in aanu sii wadano wixii aanu soo qabanaynay oo aanu koox ahaan u korno isla markaana aanu April ama May soo gaadhno fursada ah in aanu koobka ugu guulaysan karno oo ah hadafkayaga. Tartankayaga ugu wayni wa ain aanu kaalinta kowaad joogno”.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.