Donald Trump oo uga digay dalalka deeqaha uu siiyo inay ka hor yimaadaan goaankii Qudus
Donald Trump oo uga digay dalalka deeqaha uu siiyo inay ka hor yimaadaan goaankii Qudus
Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu deeqaha ka jaran doono dalalka cod u qaada qaraarkii Qaramada Midoobay ee ka dhanka ahaa in magaalada Qudus Mareynkanka u aqoonsaday caasimadda Israel.
Madaxweyne Trump oo shalay ka hadlay Aqalka cad ayaa sheegay in Mareynkanka uu sheeda ka eeganayo qaabka ay codeyn uga dhaceysa xarunta Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.
“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.
“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”
Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.
Riyad al-Malki, Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin,ayaa arbacadii shalay ku eedeeyay Mareynkanka inuu u goodiyay wado xubno ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aadanaa inuu deeqaha ka jaranayo haddii ay taageeraan Qaraarka Qaramada Midoobay ay kaga hor timid in Qudus ay tahay caasimadda Israel.
X/Q: Universal tv
No comments