Taariikh Nololeedkii Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe)
S/G Daahir Aadan Cilmi taliyahii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxa uu ku Dhashay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948. T
General Daahir Aadan Cilmi oo loogu yeero "Indhoqarsho" waxbarashadiisi Dugsiga Hoose waxuu ku soo qaatay (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buuloburde,
Dugsiga Dhexe waxuu ku soo qaatay ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray "Shabeelle Intermediate School" ee magaaladda Jowhar, Dugsiga Sare
wuxuu ku soo qaatay Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho, waxuu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka "University of Massachusetts Boston".
Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana
ah Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).
General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-add, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.
sidoo kale waxa uu noqoday taliyahii ciidanka xooga dalka somalia
Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo
Geesinimo.Waxuu sidoo kale qaatay billad dahabka ciidanka xooga dalka soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General Maxamed Siyaad Barre waxuuna ku muteeystay wacdarihii u ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed ahaana guutadii qabatay qabri daharre waxay ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.
intii uu xilka haayay oo uu ahaa taliyahii ciidanka xooga dalka somalia waxa uu soo bandhigay dadaaal iyo howl-karnimo
Wuxuu qalabeeyay ciidanka sanadooda waa uu hagajiyay qalabkii caafimadka sidoo kale melatarigii waa uu kala nadaamiyay
Wuxuuna Ku guuuleystay inuu dhiso uuna xariga ka jaro warbaahin Ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida 1-luulyo Sanadkii
2014-ka W/D Ustaad Omar British
No comments