Header Ads

Baro Dalkaada iyo Dadkaad -------------------------------------- Sheekh Yuusuf Axmed Al-kowneyn ( Aw Barkhadle).


----------------------------------------------------------------------
Sheikh yuusuf Al-kowneyn waxa uu ahaay sheekh soomaaliyeed oo noolaay qarnigii 13-aad ee miilaadiga. Magacyada loo aqoon jiray sheekha waxaa kamid ahaay; sheekh abu bararakat Berberi, sheekh yuusuf Al-Baqdaadi iyo Aw Barkhadle.

Sheekh Yuusuf waxa uu faafinta diinta ka bilaabay magaalada seylac ee gobolka Awdal, waxa uu ugu dambeeyn ku soo gabagabeeyay faafintiisii magaalada Baqdaad ee dalka ciraaq. İntii uu sheekhu ciraaq ku noolaay waxa lasiiyay magaca ah ‘’Al baqdaadi’’. Sheekh yuusuf waxa lagu xasuustaa ku hingaadinta Afka-soomaaliga Luqada Carabiga, taas oo markii dambe loo bixiyay ‘’far-wadaadeed’’ (Wadaad’s writing).

Sheekh yuusuf wuxu xiriir wanaagsan lalahaay qooyskii (Walashma dynasty) ee xukumi jiray imaaradahii islaamiga ahaa ee Cifaat iyo Cadal(Awdal) kuwaas oo xukumi jiray Geeska Afrika. Sheekh yuusuf waxa loo arkaa in uu ahaay aas-aasaha qooyskaas.

Sheekh yuusuf waxa meelo lagu xuso looga sameeyay, jasiirada Maldives, Syri-lanka iyo waqooyiga soomaaliya.
Jasiirada Maldives, sheekh yuusuf waxa looga yaqaanaa ‘’wali Abu Barakat Barbari’’(the blessed father of somalia). waxa uu sumcad weeyn ku leeyahay fidinta iyo gaarsiinta diinta islaamka ee Jasiirada maldives, waxa uu kadhisay jasiirada masjidka ‘’Hukuru Miskiiy’’, waxa uu diintane aqbalsiiyay dadkii ku noolaay jasiirada maldives, isaga oo boqorkii jasiirada ugu horeeyn kadhaadhiciyay diinta islaamka.

Sheekh yuusuf waxa uu kamid ahaay muslimiintii ugu horeeysay ee daga jasiirada syri-lanka. Magaalo dhacdo galbeeda syri-lanka oo layiraa Berbereen(sheekh abu bararakat Berberi) ayaa sheekha loogu magac-daray.

Dadka reer Maldives waxa aay u haaystaan in sheekh yuusuf u ka imaaday wadanka morocco iyaga u daliilsanayo magaca ‘’Berberi’’( berber waa qoomiyada dagto waqooyiga Afrika, gaar ahaan morocco, Algeria, Tunisia, Libya, mauritania, IWM...) lkn waxa aay moogyihiin in magacaani uu kayimid magaalada Berbera ee gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, mararka qaarne dhulka soomaalida loogu yeeri jiray dhulka berberiyiinta.Waxa kale oo laga yaabaa in uu sheekhu ku yiri reer Maldives waxaan ka imaaday Berbera, oo aay u fasirteen dhulkii berberiyiinta ee maqrib.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.