Header Ads

Nabad Suggida oo sii daysay Suxufi Mukhtaar Nuur








Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa xabsiga ka sii daysay Suxufi Mukhtaar

Nuur oo ah Sawir qaadaha gaarka ah ee Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Magaalada Muqdisho.
Suxufigan, ayaa la xiray Maalintii Khamiistii, iyadoo xilligaasi aanan la ogeyn sabab rasmi ah oo ka dambeysay xarigiisa,  balse Nabad Suggida ayaa la ogaaday inay xirtay.
Mukhtaar Nuur, ayaa inta badan soo bandhigi jiray billicda goobaha qurxoon ee ku yaala Magaalada Muqdisho, isaga oo  Baraha Bulshada ku faafin jiray Sawiro ka turjumaya quruxda Magaalada.
Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, ayaa xaqiijiyay in Wariyaha xabsiga laga sii daayay, kadib dadaal kala duwan oo ay sameeyeen, xalay fiidkiina uu xuriyadiisa dib u helay Wariye Mukhtaar Nuur.
Wariyaha xabsiga laga sii daayay ayaa dhankiisa sheegay inuusan la kulmin jirdil iyo dhibaato kale, balse uu dareemaayay kaliya in xuriyadda laga qaaday.
Illaa hadda ma cadda sababtii ka dambeysay in la xiro Wariyaha, haddana la iska soo daayo, inkastoo Wasiirka Warfaafinta Somaliya uu sheegay sababaha loo xiray Wariyaha inay tahay arimo ka baxsan shaqadiisa Saxaafadda.
“Hay’adaha amniga waxey noo xaqiijiyeen in xariga Mukhtaar Nuur uusan ahayn mid la xiriira xirfadiisa saxaafadeed. Waxaa socda baaris.” Ayuu Wasiir Yariisow ku sheegay qoraal uu soo dhigay

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.