Header Ads

QISO CAJIIB AH NIN CAQIL AH






Nin oday ah oo caaqil ah ayaa mudo xanuunsanaa, ka dibna maalintii dambe ayaa wuxuu dareemay in ay geeridii soo heyso,dabeedna wuxuu u yeeray wiil yar oo uu dhalay, wuxuuna ku yiri:- “Wiil keygiyow waxaa laga yabaa maalin maalmaha ka mid ah inaan geeriyoodo, waxaan kaa doonayaa ama rabaa geeridaas hadii ay ii timaado in aad ku samirto dulqaadna yeelato” tan kale waxaan kaa codsanayaa, marka la ii dhaqo ama mayro oo karfanta la iigu duubi rabo inaad ii galiso lugaha mid kamid ah sigisyaanteyda ama sharabaado (socks) kuwaas oo aan kabaha ku xiran jiray.
Maalmo yar kadib ninkii odayga ahaa wuu dhintay ama geeriyooday, dabeedna markii meydkiisa la dhaqay oo la karfani rabo ayuu wiilkii yaraa soo xusuustay dardaarankii Aabihiis wuxuuna la soo orday iskaalsihii (socks) ninkii meydka dhaqayay ayuuna ku yiri lugaha u gali inta aadan karftanta ku xirin.
Ninkii Meydka dhaqayay ayaa waxuu ugu jawaabay: Wiilkeygiyow arintaan lama ogolo qofka meydkaa waxaa loo xirayaa oo kaliya karfantiisa, sida ay qabto shareecada Islaamka, ka dibna Wiilkii ayaa ku yiri Adeer Aabahey ayaa igala dardaarmay inaan sidaan u sameeyo ee u xir sharabaadada waan ku baryayaaye.
Ninkii Meydka dhaqayay ayaa yiri: arintaan shareecada islaamka ma waa faaqsana ee hadaad rabto soo weydii culimada. Wiilkii yaraa ayaa u tagay nin Sheekh caalim ah wuxuuna weydiiyay in sharabaadada loo xiri karo qof meyd ah kadibna sidaa lagu duugi karo.
Sheekhii wuxuu u sheegay qofka meydka waxaa loo xirayaa oo kaliya karfanta (go’a cad ee meydka lagu duubo) dharkiisa kale oo dhan wax raacaya oo loo xirayo ma jiraan. Wiilkii oo yaaban ayaa waxaa u yimid Adeerkiis la dhashay Aabihiis wuxuuna u dhiibay warqad, kadibna wuxuu ku yiri; “warqadaan waxaa ii dhiibay Aabahaa wuxuuna iga codsaday inaan ku siiyo kadib marka uu geeriyoodo.
Wiilkii warqadii ayuu furay waxayna u qorneyd sidaan:
“Wiilkeygiyow waad aragtaa waxa aan hanti ka dhintay oo dhan maanta waxay kaa diidan yihiin inaan hal socks ama sharabaad oo kaliya ka qaato, waxaa la ii ogol yahay oo kaliya karfantaas cad, adigana maalin ayey kugu imaaneysaa booska aan hada joogo, sidaa darteed aduunyadu yeysan kula tagin waxa aad maanta heysato bari kuma raacayaan, hantida aan kaaga tagay u qarash garee ama u isticmaal sida uu ILLAAHAY SUBXAANA WATACAALAA raali ka yahay oo ka bixi xaqa lagugu leeyahay sida Zakada iyo sadaqada.
Wiilkii yaraa wuu garowsaday hadalka qiimaha badan ee uu Aabihiis uga tagay.
Waxaa diyaarshey:
Cabdullahi Nuur Colombo

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.