Header Ads

Warbixin: Taariikhda soo jireenka ah ee Turkiga & Somalia

Warbixin: Taariikhda soo jireenka ah ee Turkiga & Somalia


Hogaamiyayasha Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka wada mashaariic dib loogu dhisayo dalka oo mudo 22 sano ka badan dagaalo ka jireen, laakiin wadada waa mid dheer kahor inta aysan Soomaalida dareemin Xasilooni iyo amaan.

Markaan dib ugu laabano Taariikhda Somalia & Turkiga, waxaa jiray Ganacsi dhexmaray dadka Soomaaliyeed iyo Dowladii Cusmaaniyiinta ee mar soo xukuntay wadamo badan oo Caalamka kamid ah iyo Turkiga.

Soomaaliya waa dal Gees ka Gees dadkeedu Islaam yihiin, sidoo kale waa dalka Keliya ee aan laga helin qowmiyad ama Jaaliyad Kirishtan ah, waana daad sidoo dhamaantood haysta MAD-HABKA Suniga.

Kahor dagaalkii 1aad ee Dunida, waxaa jiray dalal badan oo Gumeystayaal ahaa oo tartan u galay sidii ay u qabsan lahaayeen Soomaaliya oo ah dal Istiraatiiji u ah isku socodka iyo dhaqaalaha Caalamka, lehna Badda ugu dheer Afrika, sidoo kale leh dhul beereed wanaagsan, waana tan soo jiidatay Indhaha Gumeystayaasha ilaa maantadan aan joogno.

Kala qeybintii uu Gumeysiga ku sameeyay Soomaaliya, ayaa loo tiriyaa dhibaatada aan dhamaan ee ilaa iyo maanta haysata Soomaalida.

Soomaaliya oo xili ahayd dowlada ugu xoogan uguna Qanisan Geeska Afrika, ayaa mar qura duntay oo dhulka gashay, kadib markii ay dagaal la gashay Amxaarada kadibna iyada isku sii jeesatay.

Dagaal Beeleedyo mudo socday kadib, waxaa jiray deegaano ku dhawaaqay ineey Somalia ka go’een, sida deegaanada Waqooyi oo la baxay Somaliland.

Iyadoo uu dalku ka buuxaan Kheeyraad aan xisaab lahayn, sida Gaas, Macdan, ayaa waxaa jiro Boqolaal Soomaaliyeed oo maalin walba u dhinta Gaajo iyo Haraad.

Sidoo kale Soomaaliya oo leh Xeebta ugu dheer Afrika, lana sheego in Kaluun farabadan ceeygaago Badeena, ayaysan dadku awooodin ineey lasoo baxaan, waxaana taas badalkeeda ka faa’iideysto doowlado shisheeye.

Sanadkii 2011, markii ay Dowlada Somalia u qeylo dhaansatay Caalamka, markasoo qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya abaarta xun ku dhufatay, Turkiga waxa uu ahaa wadankii ugu horeeyay ee usoo Gurmada Soomaaliya, iyadoo R/wasaare Rajeb Dayib Ordogaan iyo qoyskiisa, ay soo gaareen Muqdisho, iyagoo booqday Xeryaha dadka kasoo barakacay abaarta.

Wixii markas ka danbeeyay Turkiga, waxa uu bilaabay Kaalmo aan kala joogsi lahayn, sidoo kale waxa uu bilaabay mashaariic horumarineed, waxa uu dhisay Iskuulo, waxa uu deeq waxbarasho siiyay Kumanaan arday Soomaaliyeed, waxa uu dhisay Isbitaalo, waxa uu dhisay wadooyinka Muqdisho, waxa uu soo magacaabay Safiir, sidoo kale Turkih Airline oo ah Diyarad Caalami ah ayaa Duulimaad toos ah oo Isku xira Muqdisho iyo Stanbul bilaawday.

Intaas kuma ekaan Turkiga ee xitaa waxa uu dib u dhis ku wadaa Ciidamada Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu tababar u wadaa qeybo kamid ah Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Warbixinta waxaa diyaariyay: Yusuf Selman İnanç

Waxaa tarjumay Bahda Midnimo.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.