Sodoh iyo gabadhi wiilkeed
Sodoh iyo gabadhi wiilkeed
Nin caqli badan oo gabar iyo sodohdeed si caqli badan u heshiisiiyay, hada ka hor ayaa naag carab ah laga soo guursaday magaalo ka baxsan meeshay dagan yihiin. Ninkii guursaday waxaa uu la noolaa hooyadii, gabadhii iyo sodohdii waa ay is fahmi waayeen
Maalin kasta dagaal joogta ah iyo muran aan dhamaaneyn ayaa lasoo darsay
Gabadhii maalintii danbe waxay u tagtay nin ay aabaheed saaxiibo ahaayeen oo magaaladaas daganaa shaqadiisuna ay ahayd daawo dhaqameed yada iyo sida cimiga dhirta iyo mudaawaadka ayuu si fiican u bartay
Gabadhii ayaa sun ka codsatay Ninkii inuu u diyaariyo si ay u khaarajiso sodohdeed. Ninkii wuxuu yiri waa yahay lkn waa inaad raacdo wax kasta Oon ku dhaho
Gabadhii waa ka ogolaatay wuxuuna yiri si aan lagaaga shakiyin waa inaad la timaado dabeecad wanaag, oo sodohdaa wax kasta ay ku tidhaahdo haye uun dheh,
Waxna haka diidin oo maya iska ilaali, waxaa kale uu gabadhii usii raaciyay inay sunta qaadanayso mudo dheer
Oo jirka tartiib tartiib u galayso ilaa ay ka dhimato mudo sanad gaaraysa gudaheed Gabadhii oo faraxsan ayaa tiri waa yahay waxba kama qabo haday islaantaas mar uun idhaafeyso sanad waan iska sugayaa gabadhii markasta oo ay Cunto karinayso waxa ay ku dartaa dhibic yar oo sun ah Islaanti sodohda ahayd ayaa la yaabtay baatinimada gabadha iyo sida ay ugu dhuga nugushahay waxay dareentay inay danbi ka gashay waxayna bilawday Hadal macaani iyo naxariis dhanka kale gabadhi waxay la yaabtay isbadalka ku dhacay islaanti sodohdeed ahayd Iyadana qalbigeedi waxaa galay qoomamo iyo shalayto sababta ay u siisay sunta,
Gabadhii ayaa maalintii danbe waxay u tagtay Ninkii sunta u sameeyay waxayna ku tiri sunta ilaa 7 bilood ayaan sodohday siinayay hada suntii jirkeeda aad ayay u dhex gashay ee waxaan kaa rabaa waxaan kaga dhaqo ma rabo inay iga dhimato
Ninkii baa su'aalay oo maxaa dhacay oo isbadalka keenay ? Waxay ugu jawaabtay islaanti sideedi hore ma ahan oo waxay noqotay sidii hooyo oo kale waa ay i jeclaatay oo naxariis ayay ii muujisay ana Sidoo kale qalbigayga waa uu u damcay,
Waana jeclaaday waxay ii tahay wahel aan xasuusato
Ninkii ayaa yiri waxaan ku siiyay sun ma ahayn ee waxay ahaayeen biyo color leh, Waxaana damacsanaa inaad ogaato in hadii qofku dabeecad wanaagsan la yimaado dabeecadiisana badalo oo wanaag muujiyo qofka kale si kasta oo u dabeecad qalafsan yahay inuu u dabci doono anigu aabaha booskisi ayaan taagnaa,
Wax maslaxadaadu ay ku jirto ayaan ku sheegayay
No comments