Header Ads

SHURUUDAHA SOONKA

SHURUUDAHA SOONKA

Soonka waxaa la iska reebay cunida,cabitaanka isku taga raga iyo dumarka oo is qaba ilaa laga soo bilaabo fajriga ilaa qoraxda ay ka dhacdo sida alaah subxaanahu watacaalaa inoo sheegay.

Soonka wuxuu u qeybsamaa 2 qeybood oo kala ah soon waajib ah iyo soon sunna ah soonka waajibka ah waa midka bisha ramadaan oo sanadkii halmar la soomo midka sunadda ah waa mid lagu kasbanaayo ajar badsi ama ajar dheeraad oo qofka dalbaayo.

Nabigeena sharafta badan wuxuu u cadeeyay umadiisa  waxa alle wixii la xiriira shuruudaha soonka  sida midka waajib ah iyo midka sunaha ah.

Ilaahay waa uu u fududeeyay adoomihiisa oo diinteena culees ma ahan .

SHURUUDA WAAJIBNIMADA  SOONKA

Qaangaar :soonka waajib kuma ahan qof aan qaangaar ahayn da,da uu rabo ha jiro  laakiin waxaa fiican canuga marka uu yaryahay in lasii baro in uu soomo si ay ugu noqoto tababar si hadhow marka uu qaangaaro soonka uga dhibtoonin.

Awood:soonka waxaa ku waajibaayo qof awood u leh  qofkaas uu xamili karo dhibaatada soonka sida gaajada iyo xaraadka qofka da,da ah ama waayeelka iyo caruurta soon waajib kuma ahan.

Joogis ama iqaama :qofka musaafirka ah oo aanan awoodin in uu soomo waxaa u banan in iska afuro  kadib gadaal kasoo gudo  alaah sareeye wuxuu yiri  qofkiii safar ku jira ama xanuunsan hasoo gudo maalmo kale.

SHURUUDAHA SAXDA EE SOONKA

Niyad :waa in uu qofka niyeestaa maalinta xigta niyada ma ahan mida afka waa niyadda qalbiga.

Qof wax kala fahmi karo:canuga yar sax ma ahan in uu soomo waayo tamyiiz ma ahan  sidoo kale ma gaeanaayo maqaasida iyo micnaheeda.

Waqtiga soo galaayo soonka:waqtiyada soonka u gaar ah ma banana in la,soomo maalmahaas sida ciida soon iyo mida carafada.

SUNADDA SOONKA

1.in la dadajiyo afurka hadii maqrib soo galo ama la gaaro.

2.in saxuurta la dib dhigo hadii qofka ka baqaynin in uu fajarka gaaro .

3.in loo istaago acmaasha kheerka badan sida dukashada taraawiixda iyo tahajudka intaba.

4.in uu qofka ku afuro timirta la yiraadho rudhab hadii la waayo xoogaa timir ah hadii la waayo biyo.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.