Ninkani waa Faarax Maxamed Cali oo loo yiqiin (Faarax Gololey) Allaha siiyo naxariistisa Janno
Ninkani waa Faarax Maxamed Cali oo loo yiqiin (Faarax Gololey) Allaha siiyo naxariistisa Janno
Faarax Gololey wuxuu ahaa Ganacsade, Siyaasi & Filasof laga dhexlay Murti & Sheekoyin badan
Hal book xitaa laguma soo koobi karo sheekooyin kiisii cajiibka ahaa waxaanse kasoo qabanayaa dhowr sheeko.
SIYAASADDA.
Xilligii kacaanka uu dadka caburin jirey ayuu yiri (Afkaaga hayso ama Afweyne (Siyaad Barre) raac ama Afgooye aad).
Doorashii 1967kii ayaa waxa Su'aal weydiiyey madaxweynihii markaas la doortey Cabdirashiid Cali Sharmarke AUN oo yiri "Faaraxow Codkaada ima siin ee maxaa dhacey" Nin caqli badan buu ahaa wuxuu isku difaacay (Madaxweyne magacaaga qoristiisa ayaa igu dheeraadey oo waxaa ii fududaadey inaan Qoro Aadan Cadde oo codkeyga siiyo).
Ugu danbeyn qeybtan siyaasada aan kusoo xiro mar ay meel wada fadhiyeen Akhyaar badan Xilligii Kacaanka ayuu Faarax ku yiri Raggii "Ka warama hadaan idiin sheego waxa qalbigiina hada ku wada jira" intey qosleen bey ku yiraahdeen war ma uurku baale baa tahey ogaan kara waxa ku fekereyno bal waad soo waalataye inoo sheeg, markaasuu yiri (Waxa calooshiina ka buuxa Jaceyl iyo Maxabo aad u qabtaan Kacaanka Barakeysan) markaasuu usii raaciyey ma beentey baa...??? Kuligood baa hal mar wada yiri Faarax waa runtaa...
DHAQANKA IYO QABIILADA.
Faarax oo jooga Dalka Tanzania ayaa kusoo arkey Nin Abgaal ah oo Qayilaya iyo Nin Isaaq ah oo Sujuu ah, isagoo ka sheekeynaya dhibaatada uu soo arkay ayuu yiri "waxaa iga yaabiyey markaan arkay Abgaal Mirqaansan iyo Isaaq la barayo Af Somali".
Mar uu la fadhi ku dirirayey Rag badan oo Daarood ah ayey neefta ku celiyeen, markaasuu yiri Ar isuga aan Ookiyaale doontee, intuu baxey ayuu soo laabtey isagoo 2 nin la socoto, waxey weydiiyeen sababta uu labada nin u keensadey markaasuu yiri "Waa Ookiyaaleyga ee sow ma ogidiin in Daarood yahey Jinni, Habargidirna tahey Jinni arag".
Ugu danbeyn aan soo qaato mar Faarax la weydiiyey sababta uu Tubaakada u saaran waayey ileen maba dhadhamin waligiisa, wuxuu ku jawaabey (Miney Tubaako macaan tahey Habargidir ma tufi laheyn)
😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃😃
Adeer Faarax Allow kuu naxariiso wuxuu geeriyooday 1976kii isagoo qof walba jeceshahey Mucaarad & Muxaafad, Yar & weyn.
No comments