Header Ads

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saakay u fariisatay rag loo heysto farsameynta qaraxyada.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saakay u fariisatay rag loo heysto farsameynta qaraxyada.
Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa u soo gudbiyay gudoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida eed lid ku ah Sedax eedeysane oo kala ah 1-Maxammed Cabdiraxmaan Maxmuud, 2-Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo 3- Axmed Aadan weerar Dhagaxow oo eeysanaha 1-aad u ahaa hor jooge u qaabilsan Malaashiyada Alshabaab farsameyn iyo u  taba-baridda qarxyada sida uu u sheegay garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida.
Gudoomiyaha Maxkamadda  D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare Xasan Cali Nuur  Shuute ayaa ka dalbaday  xafiiska xeer ilaalinta in eey kaanaan baarihii kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo, waxaana sidoo kale eey fursad u heleen qareenada in eey su’aalo weydiiyaan baarah kiiskan.
Xafiiska  xeer ilaalinta ayaa sidoo kale  soo bandhigay sawirro laga soo qaaday agab lagu farsameyn jiray qaraxyada oo lala soo qabtay sedaxda eedeysane iyagoo sheegay in eeysan hor keeni Karin garsoorka maadaama aanu aqoon badan u laheyn balse eey hayaan agabkaas ciidamada amniga gaar ah kuwa u aqaabilsan arrimahaasi, waxa eeyna  garsoorka ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo ogolaado in la soo gaba-gabeeyo kiiskan oo eey sheegeen in eey ku filantahay cadeymaha loo heysto  eedeysanayaashan iyagoo weydiistay Maxkamadda in lagu rido xukun cimrigaa ah haku furta ah.
Dhanka kale  qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa iyane Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto eedeysanayaasha oo lagu xukumo sanado iyagoo oo  adeegsanayo qodobo, ku waasi oo kamid tahay in cadeymaha eeysan dhameystirneen.
Gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee  Ciidamada Qalabka Sida  G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwadda u dhexeeysan dhinacyada dacwadda, waxa uuna dhammaan ka qeyb galayaasha u sheegay in Maxkamadda eey go’aan ka soo saari doonto.
Raggan loo heysto farsameyn qaraxyada  ayaa ciidamada ammaanka dhawaan ka soo qabteen gobalka Shabeelada-Hooose gaar ahaan deegaanka Ceelasha-Biyaha.
                                  

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.