Fikir Diineedka ka Dambeeya Go’aanka Taraam ee Qudus
Fikir Diineedka ka Dambeeya Go’aanka Trump ee Qudus
==============================================
Boqol sano ka hor 12/11/1017 ayuu Jeneraal Elenbi (General Allenby) oo ahaa abaandulihii ciidanka gumaysiga ingiriisku qabsaday magaalada Baytul Maqdis, intuu farsakiisii ka degey ayuu magaalda ka galay Albaabka Jaafa( Jaffa Gate)
Ellenbi markuu galay magaalada barakaysan wuxuu yidhi erey wax badan ka sheegaya ujeedada dirirtiisa oo ahaa:
"the wars of the crusades are now complete"
" Iminka ayey dhamaadeen dagaaladii saliibigu".
Hadalka Allenbi wuxuu daaha ka faydayaa in xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyey mushruucii gumaysiga Ingiriiska ee ku wajahnaa Filastiin iyo dagaaladii Saliibiyiinte ee dhacay intii u dhaxaysaey qarnigii 11 ilaa qarnigii 14.
Wergeyska “Daily Skecth” ayaa maalintaasi boggeeda hore ku qortay far waaweyn “THE HOLY CITY IN BRITISH HANDS” “MAGAALADA MUQADASKA AH OO KU JIRTA GACMAHA BIRITAN”.
Markuu ciidankii Faransiisku galay magaalada Dimishiq sanadkii 1920 ayuu jenraalkii Faransiiska ee Gooroo u jihaystay dhinaca qabriga Salaaxuddiin yidhina isagoo la hadlaya : “Saladin, nous voilà.” " Saladin, here we are." ”Waatan aanu soo noqonay Salaaxu Diinow.”
Abaanduulaha saliibigi Wuxuu u jeeday inuu ku guulaystay inuu Dimishiq dib ugu soo noqday siddeed qarni ka dib jabkii uu Salaaxu Diin gaadhsiiyey Saliibiyiinta, kagana baxeen arlada Shaam.
Go’aanka Taraam Iyo Nasaarada Efanjelikalka
---------------------------------------------------------
Boqol sano ka dib qabsashadii gumaysiga Ingiriiska ee magaalada barakaysan ee Baytul Maqdis ayuu madaxweynaha dalka Maraykanku ee Tarum ku dhawaaqay inuu dalkiisu Baytul Maqdis u aqoonsaday magaalo madaxda dowlada Yuhuuda, isla markaana safaarada Maraykanka loo rari doono Al-Qudus.
Haddaynu si qoto dheer u milicsano arinkan xiisaha cusub ku soo kordhiyey qadiyada Baytul Maqdis iyo Masjid Al-Aqsaa, waxa markiiba inoo soo baxaya seddex su'aalood oon ku falanqayn doono qormadan, waxayna yihiin:Waa axay qaanuunka uu xigsanayo go’aankani? Waa maxay sababta keentay inuu madaxweynaha Maraykanku qaato go'aankan? Iyo waa maxay raadka uu go'aankani ku yeelan doona magaalada barkaysan iyo Muslimiinta ku noolba.
Kow: Go’aankani waa falgelin go’aan soo baxay 23 bishii Oktoober ee sanakii1995 oo shaciyeeey in safaaradda Maraykanka laga qaado Talaafiif loona raro Al-Qudus, qaanuunka ayey si aqlabiyada ugu codeeyaan labada aqal ee senetka iyo kongoresku, hasa ahaatee qaanuunkani ayaa siiyey madaxweynaha Maraykanak inuu xaq u leeyahay dib udhigida fulintiisa lix bilood oo la cusbaynaysiin karo haddii uu Madaxweynuhu arko in masalaxad iyo dani ugu jirto dalkiisa dib u dhigiisa. Ilaa sanadkii uu qaanuunkani soo baxay waxa madaxnimada Maraykanaka isaga dambeeyey sedex madaxweyne oo ahaa Kilinton, Bush iyo Obama, seddexduna waxay isticmaaleen xaqa uu qaanuunku u siiyey inay dib u dhigi karaan fulintiisa.
Dowladda Yuhuudu waxay qabsatay Galbeedka Qudus dagaaalkii 1948 kii, Bariga Qudusna waxay ku qabsadeen dgaaalkiila magac baxay “the Six-Day War” “Dagaalkii Lixda Maalmood” ee dhacay sanadkii 1967, magaalada waxay u aqoonsantahay magaalo madaxda aan kala qaybsanayn ee Yuhuuda “undivided capital” , ilaa waqtigaana waxay ka dhex dhiseen degmooyin loo sameeyay kumanaan Yuhuuda oo la dejiyey si ay u bedelaan dimuqraafiyada magaalada.
Maxaa ku kalifay Tarum inuu goa’aankan qaato?
Kooxaha Nasaarada Efanjelikalka “Christian Evangelicals” oo lagu qiyaaso 50 milyan ayaa rumaysan in Macbadka Yahuuda “الهيكل” laga dhiso magaalada madaxda Yuhuuda ee Qudus ka hor soo noqoshada Nabi Ciise (oo caqiidadooda baadilki dhigayso inuu yahay Ilaahay iyo inankii Ilaahay, Ilaahay caza wajalla ayaa ka nazahan qowlkoodaa kufriga iyo shirkiga ah)
Waxay rumaysan yihiin in Qudus oo loo aqoonsado magaalo madaxda Yuhuudu ay hordhac u tahay dhisida Macbadka ay sheegtaan, ayna rumaysan yihiin inuu shardi u yahay soo noqodka Masiixu ku soo noqon doono dhulka sida ay dhigayso kutubtooda la taxriifiyay.
Ogowna inay doonayaan in Macbadka laga dhiso goobta ay ku magcaabaan Buurta Macbadka “Temple Mount” “جبل الهيكل” oo ah taag ku yaala magaalada qadiimka ah ee Qudus, ahna goobta uu ku yaalaan Masjid Al-Aqsaa iyo Qubat As-Sakhra, taasina ay macnaheedu tahay in dowladda Yuhuudda ay qorshaha ugu jirto inay dumiso Masjid Al-Aqsaa si meeshiisa looga dhiso Macbadka Yahuudda.
Diraasad la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday in 82% dadka cad ee Efanjelikalka ahi ay rumaysan yihiin in Ilaahay aralada Israa’iil (Filastiin) siiyey dadka Yuhuuda ah, waxa kale oo ka mida Efanjelikalka kuwo rumaysan waxa lagu magacaabo “ the prophecy of the “End of Days” oo ah warar ay qoreen buug dimoodkoodu oo sheegayey in Yuhuudu qabsan doonaana Qudus aakhir zamanka, Yuhuudana la kala dooran siin doono inay Nasaaro noqdaan iyo inay la dhintaan nacdasha Ilaahay.
[http://www.independent.co.uk/].
“Ilaahay ayaa siiyay Qudus iyo inta kale ee dhulka muqadaska ahba dadka Yuhuudda ah” sidan waxa yidhi Baadari Robert Jefres oo baadari ka ah Kaniisadda Babtiiska Kowaad ee magaalada Daalas, xubina ka ah golaha la taliyaasha Efanjelikalka ee Taraam.[http://www.cnn.com/2017/12/06/].
Buugaag khayaaliya oo ka waramaysa caqiidooyin diiniya oo ka hadlaya dhammaadka nolosha ayaa bilowday sanadkii 1995, kuwaasi oo si laxaad leh u qabsaday fikirka qaalibka ah ee Efanjelikalka “mainstreamof evangelical thinking” , taxanaha buugaagtan ayaa la suuq galiay oo la iibiyay 100 milyan oo buug.
Fikirkan waxa la baray boqolaal milyan oo dada iyadoo la adeegsanayo kaniisadaha, dugsiyada maalinata Axada, idaacado, siminaaro diiniya iyo jaamicado.
Nasaarada Efanjelikalku waxay leeyihiin xoog siyaasadeed oo laxaad leh lana muquunin karayn, iyagaana Dhooland Taraam ku caawiyey inuu madaxweyne noqdo, waxay ka suganayeena inuu u fuliyo ballantuu u qaaday oo ahayd inuu Qudus u aqoonsan doono magaalo madaxda Yuhuudda haddii uu doorashada ku guulaysto, isaguna ballan ayuu ugu qaaday inuu sidaa u yeeli doono.
Boqolkiiba kow iyo sideetan (81%) oo ah nasaarada Efanjelikalka ayaa u codeeyay Taraam doorashooyinkii 2016, waana codad aad uga badan codadkii ay siiyeen Madaxweynihii Joorj W.Bush, codayntaa uu Taraam ka helay Nasaarada Efanjelikalka ayaa qayb weyn ka ahayd inuu Taraam ku fadhiisto carshiga Guriga Cad.
Johnnie Moore oo u hadla la taliyaasha Efanjelikalka ee Tarum ayaa sheegay in wadciga Qudus uu muftaax u ahaa hanashada madaxwenaha ee codadka Efanjelikalka. [http://www.cnn.com/2017/12/06].
Bool waayt oo baadari ka ah kaniisad weyn “megachurch pastor” oo ku taala gobolka Foloriida aadna ugu dhow Taraam ayaa isna yidhi Madaxeynuhu wuu fuliyay ballantii uu qaaday.[http://www.cnn.com/].
Hagee said. “I’ve discussed the issue of Jerusalem with him, and I believe this is an issue that resonates deeply with him.”
Joon Hagii oo baadari caana oo Efanjelikala kana ah hogaamiye “Christians United for Israel” “ Kiristaanka u Midoobay Israa’iil” ayaa email uu qoray maalintii Arbacada ee Taraam daaha ka fayday go’aankiisa ku sheegay inuu Bensi iyo Taraam la kulmay dhowr jeer mar walbana uu soo hadal qaaday Qudus.” Waxa kale oo uu yidhi Hagii “Waan kala niqaashay Isaga (Taraam) arinka Qudus, waxaanan rumaysanahay inuu yahay arin aad ugu dheer.”
[http://www.latimes.com/].
Aad iyo aad ayey Efanjelikalku ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen go’aanka uu Taraam ugu aqoonsaday Qudus inay tahay magaalo madaxada Yuhuuda
Johnnie Moore ayaa yidh isagoo tilmaamaya farxadaa : “ Madaxweyne Taraam wuxuu u caddeeyey taageerayaashiisa Efanjelikalka ah inuu samayno doono wuxuu yidhaa waan samayn doonaa”.
Baadiriga Bool Begli “Paul Begley” ayaa rumaysan in in raridda safaaradu ay tahay bilowgii Aakhir Zamanka “End of Days”, wuxuu yidhi: “Dadka Yuhuudda- waan tagey meehsaa, oo waan idiin sheegayaa- marka Macbadka la dhiso Masiixa ayaa u iman doona. Ciise ayaa u iman dadka Yuhuuda oo way rumayn doonaan”.[http://www.independent.co.uk/].
Frankliin Graaham oo ah inanka baadarigii caanka ahaa ee Bili Garahaam ayaa isna yidhi: “Budhacadda Ruushku door kuma lahayn doorashada Taraam, balse rabiga ayaa isagu fara galiyay doorashadiisa”, waxa kale uu yidhi: “Waxaynu iminka ku noolnahay calaamadihii soo dhawaanshaha soo noqodka Masiixa”.
Diraasada lagu sameeyay Xarunta Cilmibaadhista ee Pew “Pew Research Center” ayaa sheegtay inay in ka badan 40% dadka Maraykanki rumaysan yihiin in Nabi Ciise uu dhulka ku soo noqon doono 2050. [http://www.telegraph.co.uk/].
In l Qudus loo aqoonsado inay tahay magaalo madaxda Yuhuuda, safaaradda Maraykana loo rarao Qudus waxay tahay arin udub-dhexaad u ah sababata ay kooxadani ugu codaysay Taraam, arinku maraka dhinacooga laga eego wuu ka qoto dheer yahay qadiyad siyaasiya iyo doorashada madaxweynaha xukumi doona dalka Maraykanka, waayo waxay iyaga la tahay qadiyad diiniya ooay is leeyihiin waxaad ugu gogol xaadhaysaan soo noqodka Masiixa iyo dirirta dhamaadka taariikhda oo ka dhici doonta banka Magiido ee ku yaala Filastiin sida kuqoran kutubtooda la taxriifiyay..
Jiinis Haansel oo ah haweenay qoraaya oo Maraykana ayaa tidhi: “ Haadaynu nahay nasaaro waxaynu rumaysanahay in taariikhdu ku dhamةaan doonto dirirta Harmagodon oo ka dhici doonta toga Magiido , dirirtan oo lagu fooladayn doono inuu Masiixu ku soo noqdo dhulka.”
Maxaa ka dhalan doona Go’aankan
--------------------------------------------
1- In la bara kiciyo dadka maqdisiyiinta ah ee ku nool magaalada Qudus.
2- In la dumiyo gurayahahooda.
3- Arinka ugu weyn ee ugu khatarta badani waa in dowladda Yuhuuda iyo kooxaha Yuhuuda xag jirki qaadi doonaan talaabooyin hor leh oo ay doonayaaan inay ku dumiyaan Masjid Al-Aqsaa, sii loo dhiso Macbadka ay sheeganayaan.
Ballan Xaqa Iyo Ballan Beena
------------------------------------
Waa ballan xaqa in Ilaahay caza wajalla aralada Baytul Maqdis ee barakaysan dhaxalsiin doono adoomihiisa saalixiinta ah, aayado Qur'aana ayaalagu sheegay, axaadiis nabawiya ayaana u daliila, waa caan axaadiisa ka warantay inuu Al-Masiix bin Maryam عليه السلام soo degi doono, dhulkana ku soo noqon doono, isla markaana dili doono Masiixa beenta ah ee Masiix Ad-Dajaal, kuna dili doono meel u dhaw Baytul Maqdis oo la yidhaa Baab Lud, wuxuu Yidhi Rasuulka Ilaahay صلى الله عليه وسلم:
يَقتل ابنُ مريم الدجالَ بباب لُدّ
(Ibnu Maryam ayaa Dajaalka ku dili doona Baabu Lud).
Al-Xaafid Ibnu Kasiir ayaa yidhi:
وقد تواترت الأحاديث عن رسول الله صلى الله عليه وسلم ، أنه أخبر بنزول عيسى عليه السلام ، قبل يوم القيامة إماما عادلا ، وحكما مقسطا
"Axaadiis mutawaatira ayuu Rasuulka Ilaahay صلى الله عليه وسلم ku sheegay in Ciise عليه السلام soo degi doono maalinta qiyaamah ka hor isagoo ah imaam caadil iyo xaakin garsoore ah"
[Tafsiir Ibnu Kasiir: 7/236].
Nabi Ciiseعليه السلام caddaalad ayuu dadka ku ku xukumi doonaa isagoo raacaya shareecada Nabi Maxamed صلى الله عليه وسلم, lamana iman doon shareeco cusub oo khilaafsan Shreecada Qur’aanka iyo Sunnaha.
Waqtiga uu Nabi Ciise joogo Aakhir Zamanka imaamka salaadda ee Muslimiintu tukinayaa wuxuu ka mid yahay iyaga, oo Nabiga صلى الله عليه وسلم ayaa ku yidhi xadiiska Abii Hurayra ee ay soo saareen Imaam Bukhaari iyo Imaam Axmed:
كيف أنتم إذا نزل فيكم ابن مريم وإمامكم منكم
Sidaa awgeed wax is khilaafi kuma jiro soo degniinka Ciise عليه السلام iyo in Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم lagu khatimay nabiyada, waayo nabi Ciise lama imanayo shareeco cusub.
Dr. Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
No comments