AQRISO Sidee Wax u dhaceen, Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur?, Xog Muhiim Ah... Bal wax badan ogow
AQRISO Sidee Wax u dhaceen, Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur?, Xog Muhiim Ah... Bal wax badan ogow
• WAA KUMA C/raxmaan C/shakuur?
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhashay 1968, wuxuuna ku dhashay gobolka Hiiraan.
Waa nin aqoon leh, wuxuu wax kusoo bartay Jaamacadaha Sudan, Iraq, Maleysia, India iyo Jaamacada Umadda Somaliyed
Wuxuu kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu sareeysay isbahaysiga maxakaamiimta islaamiga (ARS) ee markii dambe hashiis la galay dowladii Cabdullahi Yusuf.
Wuxuu kadib noqday Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalaamiga dowladii Cumar Cabdirashiid, isagoo xilka hayay 19 bilood, markii dambana isaga ayaa iscasilay.
June 2016 Waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan doorashada Soomaaliya, wuxuu tartan la galay madaxweynaha hada xilka haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo
• SIDEE WAX U DHACEEN?
Inkastoo aan wax badan laga ogaan karin lakin waxaa ii waramay xildhibaan barlamaanka ka tirsan oo saxib dhow la ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xalay abaaro 11:15 waqtiga Muqdisho ayaa ciidamado aad u qalabeysan waxey weerar xoogan kusoo qaadeen guriga uu Muqdisho ka daganaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Dagaalka ayaa socday daqiiqado aan la cayimin, ugu dambeyn ciidamada NISA ayaa watay C/raxmaan C/shakuur isagoo dhaawac ah. 6 qof ayaana meesha ku geeriyootay
Gurigiisa wuxuu ku yaalaa agagaarka Jasiira, meel u dhow garoonka diyaaradaha Aden Cade.
• HADA AAWAY ISAGA
Wali lama oga halka uu joogo iyo waxa lagu sameeyay, hase ahaatee waxaa loo badinayaa in sheekada sidii la filayay u dhacday
Sababtoo ah dowlada waxey ka hortageeysay shir hoose oo ka dhacayay guriga Cabdiraxmaaan C/shakuur
• MADAXWEYNAHA WAX KAMA OGA
Xalay markii warkaan soo baxay ayaa durba waxaa la isku raacay in madaxda ugu sareeysa dalka ay ka dambeeyaan weerarkii lagu kala aragti duwanaaday ee lagu qaaday CC
Xildhibaan Ismacil Zakariye ayaa sheegay goordhow in Madaxweynaha uusan arintaan waxba kala socan, waxaa mashinkan wata Ra’iisul wasaare Kheyre.
Lakin dad ayaa qaba in la helay dowlad awood badan oo u babac dhigi karta mucaaradka, halka dad kale ay qabaan in falkan shalaayti ay ka dambeyn doonto
• WAA DAMBIILE HADA
Afhayeenka Amniga ayaa warbahinta u sheegay in cadeymo laga helay guriga C/raxman C/shakuur iyo amarka uu diiday darteed loo soo istaajin doono maxkamad
Sidoo kale Wasiirka amniga xukuumada federaalka Somaliya wuxuu sheegay in shirar aan ruqsad loo heysan aan la qaban karin.
C/raxmaan Cadishakuur ayaa iska diiday awaamiirta ciidamada NISA kadibna xoog ayaa lagu kaxeystay waa sida kuxusan warbixinta dowlada
• TALAABADA XIGTA
Wali lama oga halka uu ku sugan yahay Cabdiraxman Cabdishakuur, waxaana laga yaabaa in maalmaha soo socda la qaado hoolgalo kale oo horleh.
Mucaaradka dowlada ee lagu eedeynayo in ay dowlado shisheeye lacago kasoo qaateen ayaa haatan cadaadis uu saaran yahay.
Hadii aad aqrisatay warbixintaan adiga ma taageersan tahay qaabka cusub ee dowlada wax u wado?
mase qalad iyo ceeb ayaad u aragtaa ? fikirkaaga commentiga ku muuji
Qoraalkan waxaa qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed
No comments