Header Ads

Gastarik / gaaska

Gastarik

Gastric waa xanuun Ku dhaca caloosha kaas oo sababi karo cuncun iyo nambro ka soo baxo gidaarada caloosha.

Gartrik waxaa sababi karaan marka in uu qofka qaato in badan Cabitaanada ka sameysan Alkolada sida kookakada iyo faabtada, iyo waliba qamriga.

Qofka cudurka qabo haduu in badan hayo waxa uu sababi karaa walaac, sidoo kale waxaa Jira daawooyin qaas ah kuwaas oo sababo cudurka gaaska waxaana kamid ah "Aspirin".

Sidoo kale waxaa sababi kara :
1. Helicobacter pyloric oo ah Bakteeriyo Ku dhax nool gidaarada caloosha.

F.G hadii aan ladaweynin cudurkani waxa uu sababi karaa kansarka caloosha.

2. Bile reflux: waa in uu soo laabto dheecaanka beylka, kaa oo Ku Jira caloosha uuna soo daayo beerka laguna keydiyo xameetiga.

Calaamadaha Lagu garto Gaaska

1. Labolabo

2. Ubac xanuun

3. Matag

4. Dheefshiidka oo yaraada

5. Hur caloosha inta udhaxeyso cuntada ama jiifka.

6. Qunto qaadashada oo yaraada.

7. Qofka oo mataga dhiig iyo wax kafey u eg.
8. Saxarada oo madow noqoto.

Daawada

Fadlan dhaqtar laxariir si daawo sax ah u hesho.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.