WARQAD KUSOCOTO MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMALIYA MUDANE MAXAMED C/LAHI FARMAAJO.
WARQAD KUSOCOTO MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMALIYA MUDANE MAXAMED C/LAHI FARMAAJO.
Magaceygu waa Maxamed c/raxman nuur tuppo.
Waxaan ahay askari police ah degen,kunool muqdisho.waxaan ahay 23 jir.
Waxaan dalka imaday bishii august 2015kii.waxaana markaan arkay xaalada dalkeyga kusuganyahay marwalbo kufakari jiray sidaan dalka wax utari lahaa.
Fikir iyo qiimeyn dheer kamid noqdo ciidanka boliiska soomaliyeed.sababtoo ah nolol majiri karto amni la'aan tusaale waxbarasho,maal gashi ganacsi,adeeg caafimaad,isdhexgal bulsho iyo wax hormar ah majirayaan haduusan jirin amni.
Markii aan yaraa waxaan kuhamini jiray inaan noqdo pilot(duuliye)ama journalist(suxufi weyn ushaqeeyo aljazeera tv) waligeyna kuma fakarin inaan noqdo askari.Balse xaalada dalka kusuganyahay awgeed ayaan uga weecday hamigeygii.Waxaan kusoo koray agoonimo hooyadey ayaana marwalbo igu taageri jirtay waxbarashadeyda muddo 12 sano ah,waxaana wax kusoo bartay dalka dibadiisa gaar ahaan kenya(Maina Wanjigi Secondary School,Eastleigh,Nairobi).
Asxaabteyda ayaa sidoo kale ah kuwo wax kusoo bartay dalka iyo dibadaba.
12/04/2016 ayaan kamid noqday layli saraakiisha ciidanka boliiska soomaliyeed kadib markii aan idaacadaha kamaqlay in dhalinyaro soomaliyeed aqoon leh loo qaadanayo layli saraakiil.Waxaan si deg ah ugu gudbiyay shahadoyinkeygii hoggaanka tababarka iyo qorshaha.
Mudane madaxwene sidii caadada ahan jirtay nalaguma soo xareen qabiil ama garasho kale ee waxan ugalnay imtixaan intii baastay ayaana la qaatay si musuq masuq la'aan ah.
Waxaan kusoo qaadanay tababar ciidan gaar ahaan heer hoggaamineed dalka iyo wadanka aan walaalaha nahay Djibouti.Muddo labo sano ah ayey tababaradan noo socdeen wuxuuna boliiska maray marxalado isbadal kadib markii labo taliye hore xilka looga qaaday.Waxaan usoo joognay isbadalkaas iyo kuwa kaloo badan.
Go'aanka aan qaatay ayaa ahaa mid niyad jebiyay :-
1)Hooyadii idhashay iyadoo jecleed inaan sii wato waxbarashadeyda lkn waxan ushegay in dalkeygu maanta ii baahanyahay aana ugu hiilinaayo aqoonteyda iyo xoogeyga,waxaana xasuusiyay in wadamada loo tahriibaayo lagu bixinaayo naf iyo maal inay dhalinyaradedii u istaagen ayna gaarsiiyen heerkas.Anagana aan herkas okale in aan gaarsiin karno dalkeena oo loo soo tahriibi karo si looga shaqesto,loogu noolaado lana maal gashado.
2)Waxan sidoo kale iska ilooway hamigeygii ahaa inaa yeesho xirfado kale(piloting/journalism).
Mudane madaxweyne maanta waa malintii aan ushaqeyn laheyn dalka iyo dadka laakiin waxaa naga hortaagan darajadii naloo balan qaaday oon wali helin.
Md.madaxweyne maadaama aa tahay madaxwenihii jamhuuriyada awoodna u leedahay bixinta darajada sarkaalnimo waxaan kaa codsanaynaa aniga iyo dhammaan layli saraakiisha boliiska soomaliyeed inaad noo tixgeliso codsigeena.
Md.madaxweyne waxaan kukalsoonahay inaan nahay dadkii wax weyn kaqaban lahaa amni darada kajirto dalka,kuna tilaabsan lahaa sidii lagu heli lahaa amni buuxa.
Waxaan aaminsanahay waxa meel dheer laga raadinaayo inay kujiraan dhalinyarada soomalieed,diyaarka u ah inay naftooda uhuraan dalka ayna udhintaan si beri ay jiilka soo socdo ugu noolaadan nabad waarta.
Md.madaxweyne waxaan diyaar unahay in aan dhaxal muuqda uga tagno jiilka naga dambeeya si ay uhelaan bay'ad suurto galineysa inay kunooladan oo wax kubartaan mustaqbal wanagsana hiigsadaan.
Waxaan shaki kujirin in aan helnay rajo weyn 8/feb/2017 maadama aa tahay madaxweyne aaminsan dhiiri gelinta dhammaan ciidamada qalabka sida.
Md.madaxweyne waxaan kugu wargalinayaa in boliiska soomaliyeed uu caalamka ka galay kaalinta 18aad iyadoo loo tixgalinaayo waxqabadkiisa hagar la'aanta ah isagoo kushaqeeyo duruufaha jiro.
Waa guul midaas waxaana kuhamineynaa inaan soo hooyino guulo lamid ah kuwaas si aan ula jaanqaadno caalamka ugana maarano ajaaniibta ka howlgalayso dalkeena hooyo.
Md.madaxweyne waxaan mar 2aad kaa codsanayaa inaad noo tixgaliso codsigayaga si aan ugu shaqeeno umadda soomaliyeed.
Mahadsanid.
Share inaa dhahdiin niga rawaa shacabkayga sii wadankayna wax ugu qawano.
No comments