QISO YAR OO CAJIIB AH, (Nin la Dardaarmaya Xaaskiisa)
QISO YAR OO CAJIIB AH,
(Nin la Dardaarmaya Xaaskiisa)
Xaaskeygiyey Qof kastaa Gurigiisa ayuu Aaday, Mashxaradii way Dhamaatay, Guurkeena wuxuu Ahaa mid Qurux badan, Balse hadda waxaan Gabagabeynay Guurkii.
Hadda waa Wakhtigii Aan Dhisi lahayn Guurkeena, waxa keliya oo haray waa Labadeena iyo waxa aan noqon doono Berito.
Inta aan Macaanka Nolosha Bilaabin waxaan jecleystay inaan kuu sheego Wax yar, Mana ahan maanta wixii ka Bilowdo inaan wax kaa Qariyo, Talefankeyga waxaad u Istimaali kartaa sida kaaga oo kale, waxaad kaloo la socon kartaa Faceboogeyga, Snapchatkayga , Twitter, iwm.
Laga Bilaabo Maanta waxaan noqday Caruur, Shantii sano ee la soo dhaafay ee Nolosheyda waxaan ahaa Ninweyn, waxaan Kicinayay Nafteyda Subaxii Xili hore, Wakhtiyada Qaar waxaan Seexan jiray Anigoo Gaajeysan, waxaan wax walba u sameyn jiray sida aan Rabo, waxaan sido kale Imaan jiray Guriga Wakhtigii aan Rabo. laakin laga Bilaabo Maanta waxaas oo dhan wey Dhamaadeen.
Ogoow Adigana Laga Bilaabo Maanta waxaad noqotay Hooyadey oo i Canaanata markaan Guriga ka soo Daaho, waxaad noqotay Hooyo i Kicisa Subaxa hore si aan u tago Shaqada, waxaad noqotay Hooyo Hubisa inaan Seexday Anigoo Gaajeysan iyo in kale.
Waan ku Faraxsanahay inaan yeesho Hooyo adiga ah waxaan Rajeynayaa inaad noqoto Hooyo Wanaagsan. Ha igu noqon Qof Qallafsan waxaan kuu Ballan qaadayaa inaanan kugu Madax Adkaanin, Mararka Qaar waxaa Suuragal ah inaan Madaxa ku Xanuunjiyo, balse waxaan kuu Ballan qaadayaa inaan noqdo Ka Daweeya Madax Xanuun kasta.
Waxaan Xanaaneyn jiray Walaalahey Wiilal & gabdho, waxaana u Ahaa sida Aabahood oo kale, sidaas Awgeed Dhibaato uma Arki doono sidaas & si la mid ah inaan Aabo kuugu noqdo ku soo Dhawoow Xabiibti Nolosheena Cusub.
X/Q: Yasin Abdirizak
SHARE | Comments | Like Lamaane
No comments