Ciidamadii Qaranka hadii la yiraahdo qabiil ayaad tihiin tolow maxaa xigi doona?
Ciidamadii Qaranka hadii la yiraahdo qabiil ayaad tihiin tolow maxaa xigi doona?!
Qaybta 12 Abriil ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka mas’uulka ah amniga Banaadir iyo labada Shabeele (Shabeeleda Dhaxe iyo Shabeelada Hoose) ayaa laga jaray lacagtii Dowlada Maraykanka siin jirtay Ciidamada Soomaaliya.
Warbixin horudhac ayaana sheegaysa in lagu sababeeyay jarida mushaarka ciidamadaas in madaxda Soomaaliya qaar kamid sheegeen in ay yihiin Ciidan qabiil una badan beelaha dega Gobolka Banaadir. Dhanka kale si loo daboolo baahida lacageed ee ciidamadaas Xukuumadu kuma soo darin Miisaaniyada sanadka soo socda 2018.
Waxaa kale oo hada ku xareysan Xarunta Kuliyadda Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Mogadishu kun dhalinyaro ah oo laga soo aruurshay Gobolada Dalka qaar kamid ah, qoristoodana aan loo marin hanaankii ciidan qorista, lkn ay soo aruursheen Xildhibaano katirsan Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Goboladaas, lana yiri waxay bilow u noqon doonaan ciidamada cusub ee Soomaaliya loo qorayo!
Hadaba waxaa iga su’aal:
1. Mar hadii midka qaraxa ku dhimanaya iyo midka u dhimanaya dib u xoreynta dalka ay yihiin reer Banaadir!
2. Mar hadii dakhliga kaliya ee dowlada Soomaaliya kasoo xarayso gudaha Dalka ee lagu biilo inta xil dowla heysa uu ka yimaado Dekada iyo Airportka Gobolka Banaadir!
3. Mar hadii cida kaliya ee canshuur Dowladeed laga qaado ay yihiin shacabka iyo ganacsatada reer Banaadir!
Maxay ku qabatay wiilasha duurka ugu jira difaaca dalka dhimasho, dhaawac iyo daryeel xumana usii dheertahay in la yiraahdo qabiil ayaad tihiin, lana duudsiiyo xuquuqdoodii ciidannimo?!
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad
No comments