Hadal Qiimo Leh!!!
Markay hortaada marayaan Gawaari badan oo Aroos gelbineysa, Niyadda uga ducee inuu Rabbi isu barakeyo kana dhigo Lamaane Kalgaceyl iyo Naxariis kuwada jooga.
Markaad Isbitaalka kasoo baxeyso adigoo faraxsan oo Dhaqtarka kuu sheegay in Xaaladdaada Caafimaad fiicantahay, dib u milicso Bukaanada kale ee safka ugu jira Dhaqtarka uguna ducee inuu Alle caafimad siiyo Bukaan Kaste.
Markaad aragto Janaazo Qabriga loo sii wado xusuuso Mugdiga Qabriga iyo Cariirigiisa, Meydkaasna ugu ducee inuu Alle u Waasiciyo kana koriyo Cadaabul Caqriga.
Markaad Gurigaada gasho ee ishaadu qabato Xaaskaaga ama Hooyadaa oo Cunno kuu diyaarineysa ama ku mashquulsan Nadiifinta Dharkaaga, maqashii erayo macaan oo ay ku halmaami karto Daalka hayo, uguna ducee inuu Alle kheyr uga Abaal-Mariyo Howsha adag oo ay kuu heyso.
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Ducooyinkaani waxba kaama dhibayaan, waxeysa micno badan u sameynayaan qofka aad ugu duceyneyso adigana Malak u xilsaaran ayaa kuu duceynayo inta aad u duceyneyso Walaalkaa.
X/Q: Hussain Sabrie
No comments