BURCADDII BANKIGA IYO FAAIIDADII MAAMULAHA! SHEEKO XIKAMD KU JIRTA!
BURCADDII BANKIGA IYO FAAIIDADII MAAMULAHA! SHEEKO XIKAMD KU JIRTA!
Koox Burcad ayaa weeraray Banki si ay usoo dhacaan. Xilli ay socotay dhicida Bank-gi ku yaalla Shiinaha ayaa mid kamid ah burcadii ku dhawaqaay
“Cidna yaysan is dhaqaajin, lacagta waxa iska leh dowladda, naftaadana adigaa iska leh”
dadkii si aayar bay dhulka isugu nabeen.
Tani Waxaa loo yaqaana “Habka Maskaxda Loo Bedelo” in fekerka dadka la saameeyo.
Kadib markay burcadii ay gurigooda ku laabteen ayaa Burcadkii yaraa oo Waxbarashada heer jaamacadeed ka gaaray ku yiri burcadkii weynaa oo keliya Dugsi dhexe gaaray, Saaxiib aan lacagta tirino si aan u ogaano cadadka aan soo dhacnay.
Kii weynaa baa ku jawaabay Doqonyahow lacagtan badan tirinteeda waqti badan bay nagu qaadaneysaa ee caawa TV-ga aan ka daawano cadadka lacagta aan soo dhacnay!
Tani waxaa loo yaqaanaa “Khibrad” maalmahan dambe khibradda ayaa ka muhiimsan Waraaqaha Shahaadooyinka.
Kadib falkii dhaca burcadda, maamulihii Laanta Bankiga ayaa ku yiri midkii asaga ka sareeyay Booliska Wac ee si dhaqsa ku wargeli in burcad na dhacday.
Kii masuulka ahaa baa ku jawaabay Sug bal horta anagana aan 10$ milyan ka qaadano Bankiga si aan ugu darno lacagtii $70 ka Milyan aan hore u xadnay xisaabtana aan burcaddu ugu darno.
Tani waxaa loo yaqaanaa “ La Dabaallo Hirka” in marxalad xun looga faaideysto Dano shaqsi ah.
kii Laanta maamulaha ka ahaa baa yiri Alla may bilkasta imaadaan burcadan oo kale!
Maalintii xigtay ayaa Warka TV-ga lagu sheegay in $100 Milyan laga dhacay Bankiga.
Burcaddij lacagtii bay dib u tiriyeen laakiin xisaabtooda $20 Milyan way u dhaafi weysay.
Burcaddii baa caro is celin weysay ayagoo dhahaya anaga nafteena halis gelinay keliya $20 milyan baan dhacnay laakiin nimankaa Bankiga maamulayay si fudud bay qalinkooda ugu xadeen $80 milyan, markaa kii burcada u weynaa yiri in wax la barto ayaa ka fiican in tuug la noqdo.
Tani waxa loo yaqaanaa “Aqoontu waa Furaha Dunida”
Nimankii Bankiga Maamulayay ayagana farxad bay dareemeen maadaama xatooyada faaiidada ugu badan ayaga soo gaartay.
Tani Waxa loo yaqaanaa “ Fursad walba kusoo marta waa laga faaideystaa”
Haddii aad ka heshay la wadaag saaxiibadaada!
No comments