QISO DHAB AH OO KAA OOHIN DOONTA (fadlan walaal akhri
QISO DHAB AH OO KAA OOHIN DOONTA (fadlan walaal akhri)
============================================================
Imaam Axmed Binu Xanbal Allaha u naxariistee ayaa beri safar galay, markii uu gaaray magaaladii uu doonayay, ayaa wuxuu habeenkii isku dayay inuu seexdo Masaajid ku yaalay magaalada.
Ninkii masaajidka ilaalinayay ayaa u sheegay in aanu seexan doonin masaajidka oo aan la ogolayn. Wuxuu Imaamku u sheegay inuu yahay musaafir oo aanu garanayn meelo kale, laakiin ilaaliyuhu wuxuu u sheegay in aan masaajidka loo ogolayn dad seexda.
Masaajidka waxa u dhowaa meel foorno ama goob rootiga lagu sameeyo, ka dibna markii uu ka soo baxay ayuu la kulmay ninkii foornada rootiga lahaa oo arkayay wadaadkii oo debeda alaabta loo soo dhigay waxaanu u ogolaaday inuu foornada dhex seexdo habeenkaasi.
Ninkani foornada lihi intii uu shaqadiisa watay, wuxu akhrinayey dikriga (Istaqfuralaah) intii uu dubayay rootiga oo dhan.
Imam Axmed Binu Xanbal ayaa ku yiri ilaa goormaad dikirigan waday , wuxuuna ugu jawaabay wakhti badan.
Wuxu ku yiri miyaanad daalayn .. Wuxuu ninkii ugu jawaabay waan bartay. Imaamkii wuxu waydiiyay maxaad natiijo kala kulantay? .Wuxuu ugu jawaabay wax kasta oo aan Allah weydiisto waan helaa. Ilaa hal mid mooyee. Taasina maxay ahayd ayuu yiri Imam Axmed Binu Xanbal, markaasaa ninkii wuxuu ugu jawaabay waxaan Allah waydiistay inaan maalin uun arko Imaam Axmed Binu Xanbal taasina weli ma helin.
Imaamka ayaa ugu jawaabay waa aniga iimaam axmed binu xambal dikrigaaga ayaa halkan I keenay oo masaajidka la iiga soo saary oo aniga oo lugaynaya la iigu kaa keenay foornadan.ninkii isagoo ooyaya ayuu yiri illaahow adigaa mahadaasoo dhan leh.fadlan walaal hadaad akhrisay like saar soona qor mnsha Allah
(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH OO LAWADAAG WALAALAHA KALE SI AY UOGAADAAN FAA'IDADA IN ALLAH LABARYO)
Qore: Cabdiraxmaan Ciro
No comments