Taariikhda Qudus Oo Kooban
Taariikhda Qudus Oo Kooban.
=============
1.Qudus Waxaa La Aasaasay 5 Kun Oo Sano Ka Hor.
2.Dadkii degay waxaa ugu horeeyey Carab la odhan jiray Kancaaniyiin(الكنعانيون) , waa qawmkii Nabi Muuse(CS) Iyo Reer Banii Israa’iil la amaray in ay la dagaalamaan, Yuhuuduna ku lahayd orod adiga iyo rabigaa dagaalama annagu halkan ayaanu sii fadhiyeynaaye.
3. Fircooniyiinta ayaa xukumi jiray taariikhdu markay ahayd 1300( Ciise Hortii).
4. Dawlad Yuhuudu yeelatay ayaa muddo xukumaysay, waxaana magaalada u taliyey xilligaas Nabi Daa’uud iyo Wiilkiisa Nabi Sulaymaan(C.S) xilli lagu qiyaasay 1000 sano Ciise Hortii.
5. Dawladii la odhan jiray Baabil (بابل) ayaa iyaduna muddo ka talinaysay taariikhdu markay ahayd 500 sanno Ciise Hortii.
6. Waxaa iyaguna magaalada ka soo taliyey oo qabsaday Beershiyiinta( الفرس) oo ka soo jeeday dhulkan Iiraan hadda looyaqaan taariikhdu markay ahayd 300 Ciise Hortii.
7. Dawladii Giriiga ayaa iyadu muddo gacanta ku haysay Qudus sanadkii 63 Ciise Hortii.
8.Boqortooyadii Roomaaniyiinta ayaa gacanta ku dhigtay sanadkii 63 (C.H)waxayna gacanta ku haysay ilaa 636 Taariikhda Miilaadiga (Ciise Dabadii) markaas oo ay muslimiintu fureen magaalada Qudus ciidan uu hoggaaminayey Abuu Cubayda Caamir Ibnu Jarraax, waxayna dadkii ku noolaa codsadeen magaalada in uu kala wareego Amiirka Muslimiinta, waxaana yimi Cumar Ibnu Al-khaddab (RC) oo magaalada la wareegay heshiisna la saxeexday dadkii loogu yimi si loo nabad galiyo.
9. Sanadkii 621 ku dhawaad wuxuu ahaa xilligii rasuulka (NNKH) la dheelmiyey ee Makka Ilaa Qudus, Qudus Ilaa kor loogu qaaday samada الإسراء والمعراج.
10. Islaamku wuxuu xukumayey sanadkii 636 ilaa 1099M, mudadaas waxaa magaalada loogu noolaa si degan waxaana laga dhisay dhismayaal ay caan ku tahay sida qaybta laga dhisay masjidka AlAqsaa dhinaciisa ee uu dhisay Cabdilmalik Bin Marwaan (Qubbatu Sakhra) sanadkii 691M. Waana dhismaha qudus caanka ku tahay ee muuqaalka Dahabiga ah leh.
11. Dawladaha Yurub ee Kiristaanka u badnaa ayaa ku soo Duulay Qudus dagaalkii Macatabka loo yaqaanay waxayna qabsadeen sanadkii 1099.
12. Salaax Al-diin Al Ayuubi ayaa sanadkii 1187M dib uga xoreeyey Kiristaankii ku soo duulay.
13. Mar kale ayey hadana qabsadeen Qudus Ciidamadii Kiristaanku ee dagaalkii Macatabka waxay haysteen 11 sanno, waxaana dib looga xoreeyey sanadkii 1244M.
14. Isla xilliyadaas waxaa soo weeraray oo Qabsaday Maangooliyiintii dunida weerarka ku soo qaaday 1244M. Waxaana xilligaas ka xoraysay Maangooliyiintii oo gacanta ku dhigay dawlad la odhan jiray Mamaaliik.
15. Dawladdii Cusmaaniyiinta ayaa waxay iyana la wareegtay sanadkii 1616M , waxayna ka talinaysay ilaa 1917M dagaalkii koowaad ee adduunka markaas oo uu ingiriisku qabsaday.
16. Ingiriiska ayaa isaguna gacanta ku hayey 1917m ilaa 1948M, waxaanu Ingiriisku Yuhuuda u balan qaaday sanadkii 1917M in uu dal uga dhigayo Falastiin (Balan Qaadkii Bilfoor)
17. Waxay Yuhuudu qabsadeen Qudus qaybteeda Galbeed sanadkii 1948M, waxayna qaybta Bari oo uu Ku yaalo Masjidka Al-aqsa oo Urdun ka talinaysay qabsadeen 1967M.
Ilaa iyo maantana way haystaan hasa yeeshee sanadkii 1967 ayaa golaha ammaanku soo saaray go’aan uu ku diidayo qabsashada Yuhuuda ee Qudusta Bari, waxaana dunida looga yaqaanaa dhul la haysto, 1994 ayaa golaha wakiilada ee Maraykanka oo ay Yuhuudu raad weyn ku leedahay soo saaray go’aan ah in Qudus oo dhan loo aqoonsado caasimada Israa’iil , safaaradda Maraykankana loo raro ilaa xilligaas madaxweynayaashii Maraykanku way ka warwareegi jireen, Trump ayaa doorashada ku galay in uu safaaradda Maraykanka u rarayo Qudus, waana uu hirgaliyey.
Dhawr arrimood ayaa xaqiiqo ah.
1.Dadkii Qudus loogu yimi ee ugu horeeyey waxay ahaayeen Carabtii Kancaaniyiinta.
2. Yuhuudu xilligii Nabi Muuse(C.S) ayaa Qudus ugu horaysay oo lagu amray in ay dagaal ku galaan.
3. Hal mar ayey Yuhuudu xukuntay Qudus waana xilligii Nabi Daa’uud Iyo Nabi Sulayman(C.S).
Xilligan way adag tahay in Israa’iil dib looga xoreeyo marka la fiiriyo duruufta ku hareeraysan, iyo Israa’iil garabka ay haysto iyo Tiknoolajiyada halka ay ka gaadhay, way ka horaysaa dhammaan dalalka Carabta ee ku hareeraysan dhinac walba, waxayna arrimahan waxa isaga badeli karaan iyada oo dunida Carabta horumar dhinac walba Ahi ka hana qaado, waxaadse moodaa in hadda saaxiibtinnimada Israa’iil loo kala dheeraynayo dhul dib looga soo celiyo haba sii joogee. Waxaana hubaal ah sidii horeba u dhici jirtay in sadex malmood haday ugu badato la mudaharadayo ka dibna la hilmaamayo.
=========
Ilaha xogta
مصادر:
- مصطفى مراد دباغ، بلادنا فلسطين.
- القدس.. قصة مدينة، المنظمة العربية للتربية والثقافة والعلوم، تونس، ط1، ص 24 والعسلي، الموسوعة الفلسطينية، المجلد...، ص 813.
- التغيرات الجغرافية والديمغرافية، مركز دراسات المستقبل، جامعة أسيوط، 1996، ص 833.
- التكوين التاريخي لفلسطين، التقرير الأسبوعي "قضايا دولية"، العدد 261، 2/1/1995.
- موقع منظمة التحرير الفلسطينية على الإنترنت.
- الموسوعة الفلسطينية، المجلد الثالث، القدس.
xigasho @Asad adaani ibrahim
Xigasho. Dhaqane Rooble Xalane
No comments