Header Ads

Warar deg deg ah Alshabaab oo Weerar ka Geestay Gudaha Dalka KenyA

Warar deg deg ah Alshabaab oo Weerar ka Geestay Gudaha  Image result for SAWIR SHABAAB


Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Kenya ayaa la dilay, sidoo kale waxaa la gubay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada, kadib markii weerar lagu qaaday Saldhig Booliska leeyihiin oo ku yaalla deegaanka Lafey ee dalka Kenya.
Weerarkaan oo dhacay xalay, ayaa Saraakiisha ciidamada Booliska waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen dagaalyahanada Shabaabka ee weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay ragga weerarka ku soo qaaday Saldhiga tiradooda inay ku qiyaaseen 50 ruux, kuwaasi oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubaysnaa.
Saldhiga Booliska ee la weeraray ayaa waxaa lahaa ciidamada Maamulka Mandhera hoostagga ee loo yaqaan AP-da oo ka mid ah waax ka tirsan Booliska Kenya.
Weerarkaan ayaa sidoo kale waxa uu dhaliyay Khasaare bur bur ba,an oo soo gaaray Saldhiga ciidamada Booliska ee Degmada Lafey, iyadoo 12 sarkaal oo ku sugnaa halkaasi ay iska caabiyeen weerarkaasi.
Isku duwaha dhanka ammaanka ee Gobolka Waqooyi Bari Amb. Maxamud Saleh oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa cadeeyay ciidamo badan oo gurmad ah in loo diray Degmada Lafey oo xalay weerareen Al Shabaab.
Waa weerarkii labaad oo muddo ku siman 24 saac ka dhaca gudaha dalka Kenya, iyadoo weerarkii kan ka horeeyay  uu ahaa bas ay saarnaayeen dad Kenyan ah oo Shabaab ay wadada u galeen, kadibna ay ku dileen  halkaasi saddex ruux oo baska la socday.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.