Header Ads

Kaniisada kaatooliga ee hargeeysa.

Kaniisada kaatooliga ee hargeeysa.
-----------------------------------------------
‘’Waxaa kaniisad loo furay mu’miniintii kaatooliga ee soomaaliya kuharay’’.catholicculture.org

‘’waanu cabsan jirnay waayihii hore lkn hadda dowlada somaliland ayaa naga barisay in aanu kaniisadeenna dib hargeeysa uga furano’’.  Fr Tom, a 69-jir reer New Zealand ah.

Sida aay qorayaan warbaahinta soomaalida, warbaahinta caalamiga ah iyo warbaahinta kaniisadaha caatooliga waxaa dib loo furay kaniisadii 30ka sano xirneeyd ee hargeeysa.

Waxaan isku dayi doonaa in aan soo aruuriyo hadaladii aay qoreen warbaahinta kaniisadaha kaatooliga, aniga oo soo qaadanaya hadallada macquulka ah ee saameeynta tooska ah soomaalida ku leh.

Bishop Giorgio Bertin, waa u qeeybsanaha kaniisada kaatooliga ee soomaaliaya, waxa uu yiri ‘’ soomaaliya waa dal muslimiin u badan, masiixiyiintu markii aay qatar badan kala kulmeen waa laxiray kaniisadii kaatooliga ee xarunteeda ugu weeyn muqdisho aheeyd’’. Waxa kale ee uu yiri ‘’ kaniisada hargeeysa dad badani umasoo cibaadeeysi tagaan-ugu badnaan toban; laakiin dhib maleh iyaduba waa muhiim’’. Hadalkaan ayaa tusinayo in uu jeclaan lahaa in dad badan oo soomaali ahi kaniisada kasoo qeeyb galaan. Dastuurka soomaaliyane waxa uu leeyahay; ‘’ diin aan diinta islaamka aheeyn soomaaliya laguma faafin karo’’. Sidoo kale dastuurka maamulka somaliland ayaa sidaan qabo.

Bishop Bertin waxa kale ee uu yiri; ‘’ majirto sabab macquul ah ee aan muqdisho maanta kudagi karno, qatarteeda oo badan aawgeed, inkastoo aay jiraan tiro kaatooliyiin ah oo kunool koonfurta soomaaliya, waana kuwa is qariyo, cibaadadoodane hoos u wato. waxa uu sii raaciyay hadalkaan gaaban laakiin aadka u muga weeyn ‘’ xitaa hadeey is qariyaan, weey wanaagsantahay in aay halkaas joogaan, intii aanay joogi laheeyn’’. Taas oo u muuqato dheeri gelin ku aadan is qarinta masiixiyiinta ee koonfurta soomaaliya.

Bishop Bertin waxa uu yiri ‘’ maanta waxaan ku faani karnaa in aan qeeyb soomaaliya kamid ah aan joogno inkasta oo aan wali muqdisho tagi karin’’.

Bishop Bertin waxa uu sheegay in hadda aay jiraan 30 somali masiixi ah oo kunool waqooyiga(somaliland) iyo koonfurta isagoo si gaar ah u carabaabay qoomiyada soomaali Bantu-ga( somali bantu ethnic group in south somalia).

Marianne Vecchione, waa gabar howl gab ah ee soora ah(religious sister) kana soo jeeda gobolka calefornia ee dalka mareeykanka, waxa aay kasoo fulisay howlaheeda tabshiirinta( gaaleeysiinta) dalalka djibouti, Ethiopia iyo yemen. waxa aay leedahay bog caalami ah oo aay maalgeliso kaniisada kaatooliga oo lacag loogu aruuriyo si aay hoowsheeda u fuliso(fund raising page). Marka aad facebook-geeda eegto waxa u saaran caruur soomaaliyeed oo aay xaneeneeyso sida aay sheegtay.hada waxa aay kashaqeeysaa jaamacada iyo isbitaalka Edna Adan. Adna aadan waa tumee? waa xaaskii raisul wasaarehii hore ee soomaaliya muxammed xaaji ibraahim cigaal ahne u qeeybsanaha somaliland wadahadalladda dowlada federalka. Waana gabadhii soomaaliyeed ee ugu horeeysay ee waxbarasho dibadda ugu baxdo.

Websiteka layiraa catholicherald.co.uk ayaa Marianne ka qoray ‘’Article’’ loogu magac bixiyay ‘’ waxa aay cilmaaniyiintu sameeyn karin’’(what secularists can’t do), taas oo si dahsoon loogu amaanay hoowsha geesinimada leh ee aay marianne vechione kawada wadamada muslimiinta ah sida; somalia, djibouti iyo yemen.

Marianne vecchione, mar aay kahadleeysay furitaanka kaniisada kaatooliga ee hargeeysa waxa aay tiri; ‘’ in loo ogolaado dadka masiixiyiinta ah somaliland waxa aay muhiim u tahay dalnimadooda’’. Taas oo iila muuqatay in gobolada waqooyi looga faa’ideeysanayo u hamuun qabka madaxbanaanida ee xadka dhaaftay.

Hadalkii iigu murugada iyo walwalka badnaa ayaa ahay hadal uu yiri priest katirsan kaniisada hargeeysa oo layiraa Fr Tom, wuxu yiri ‘’ dowladda somaliland iyada ayaa naga barisay/tuugtay in aan imaano hargeeysa oo aan kaniisadeennii dib u furano’’. Tolow maxaa sababi karo in loo yeerto kaniisad aanan kuu soo jeedin? . wali magaran jawaabteeda.

Tirakoobka uu sameeyay world christian encyclopedia, waxa uu qorshahoodu yahay in aay somaliland noqoto 0.3% masiixi 2025-ka, halka aay musllimiinta ku qiyaaseen 99.6%. tani waxa aay tusineeysaa dadaalka badan ee aay kaniisadu galineeyso masiixiyeeynta dadka muslimiinta ah ee gobolada woqooyi.

Gobollada waqooyi waxa aay aheeyd meeshii ugu horeeysay ee gumeeystuhu imaaday dad badan oo taageera iyo kuwa kasoo horjeestane wey jireen, daraawiish la,aanteedne masiixiyiin aqlabiyad siyaasadeed leh ayaa gayiga soomaliyeed kajiri laheeyd maanta, sida aan qabo. 1913-kii, 100-200 soomaali masiixi ah ayaa ka jiray gobolada waqooyi, halka koonfurta aanay waxaasi kajirin, kuwaas oo u badnaa agoontii dhiganjiratay dugsiyadii tabshiirinta ee aay masiixiyiintu lahaayeen. Maantane kaniisadu waxa aay hoowsheeda ka biloowday waxa aay ugu yeertay ‘caawinta caruurta agoonta ah’, taas oo u muuqato in aay lamid tahay tii hay’adihii masiixiyiinta ee gumeeystaha lasocday sameeyeen.

Dadkii ugu horeeyay ee soomaaliyeed ee masiixiyada aqbalay waxa aay badankoodu kasoo jeedeen gobolada waqooyi, taas oo aay dadka qaar ku micneeyaan in aay tahay u nuglaanta dadka ee afkaarta reer galbeedka iyo kuwa masiixiyiinta.

Sheekh mustafa xaaji ismaaciil haaruun ayaa laigu yiri in uu  yiri; ‘’ dadka somaliland dagan hadeey ahaan lahaayeen dadka ogaadeeniya dagan, dhamaantood waa lawada badali lahaay’’. Taas oo iila muuqatay u nuglaaanta afkaarta shisheeyaha ee soomaalida waqooyiga dagto.

waxaan sugnaaba waa, hadalka culumadii reer hargeeysa ee fanaaniinta soomaaliyeed ka mamnuucay hargeeysa iyagoo ku eedeeyay in aay faafinayaan dhaqan xumo diinta kaso horjeedo.

W/Q; Cumar Cabdi Jimcaale.

Fadlan sii faafi.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.