DARDAARANKII MADAXWEYNE SIYAAD BARE IYO MARKII AY SII BUR-BUREYSAY DAWLADII KACAANKA
DARDAARANKII MADAXWEYNE SIYAAD BARE IYO MARKII AY SII BUR-BUREYSAY DAWLADII KACAANKA.
=====================================================
Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee intii aysan dhicin dawladii uu madaxweynaha ka ahaa balse ay muuqdeen ifafaalo bur bur inuu kusoo socdo ayaa waxaa dhacdey in uu kulamo kala duwan la yeeshey saraakiishii ciidamada qalabka sida gaar ahaan Xooga dalka, Boliiska, Asluubta iyo Nssta, odayaal,ganacsato iyo wax garad.
Mid ka mid ah kulamadii uu la yeeshey Siyaad Bare saraakiishii ciidamada ayaa khudbad dheer oo uu u jeediyey waxuu kaga hadley xaaladda dalka u marayey xiligaas waxuuna tilmaamay �in saraakiil badan oo shirkaa fadhiday ay ku hawlanyihiin duminta iyo majaxaabinta dawladda oo shirqool ay kula jiraan ajnabi iyo niman ganacsato ah oo u adeegaya cadawga, taaso i mari la'� ayuu yiri, laakiin waxaan idin cadeynaya in nolosha iyo dhalaalka iminka idin ka muuqda aan la haysan-doonin, oo ciil la jiifsan doontaan haddii aad qabqablayaal la soo adeegsaday u sacabo tuntaan, waxaana dulinimo idinku filan inaad noqotaan saraakiil la iibsaday.
�
Allaha u naxariistee Madaxweyne Siyaad Bare isagoo ka waramayey dawladii Kacaanka waxyaabihii dalka iyo dadka ay u qabatey ayaa waxuu yiri waxaan abuuray Jaamacado, Macaahid kala heer ah iyo iskuulo min dugsi hoose ilaa jaamacad lacag la'aan ah waxaana ujeedaydu aheyd dadku ha yeesheen aqoon durugsan oo ay caalamka kula tartamaan, waxaan dalka u sameeyey cusbitaalo dadku lacag la'aan lagu daweeyo, Marsooyin iyo dekado ay maraakiibta ku soo xirtaan lagana hogaamiyo, garoomo ciyaareed, waxaan dhisay Hoteelo caalami ah iyo goobo lagu Dalxiiso, waxaan abuuray warshado wax soo saar oo dalka ma lahayn haba yaraate warshado, soow ma aydin arkin Jidadka waaweyn ee gobolada dalka isku xira iyo gaar ahaan wadada Maka-mukarama ee Magaalada Muqdisho iyo jidkeeda bilicsan, waxaan sameeyey Gobolo badan oo inta xuduudana ku taxay degmooyin si dadku xukunka u gaaro, waxaan qorey afkeena hooyo ee soomaaliga.
Dhinaca kalena markii sanadkii 1991-kii ay bur burtey dawladii uu madaxweynaha ka ahaa ayaa isagoo rag odayaal ah la hadlayey Madaxweynahu ayaa waxuu yiri: �Masiibo iyo Kheyr wixii ku hela xaga Eebe ayey ka ahaatey, mana ahi nin muran ka keenaya maqaadiirta Eebe, maantana ma liito ee shacabkii soomaaliyeed badankiis ayaa sheydaan u ciyey, wax badan waan sheegay, laakiin waxaan noqday nin dudumo wacdinaya Koleyba falalka dhacaya ee aan maqlayo Soomaali duli ayey mudan doontaa dalkuna ummaddo kale ayaa dumaali-doona�.
Isagoo sii hadlayey Siyaad Bare ayaa Waxuu yiri: " wax badan baan dagaalamay oo mufsad iyo gaalo warkeeda diiday, Maxaa wacey waxaan kala dagaalamay in shacabka la dalaalo, aniguna waxaan ku haminaayey inaan dalkaan dubaakhooyin iyo dakharo dambe dib loogu geysan, waxayna ahayd gobanimada darteed in ay na deeqdo.
Ugu dambeyntii Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare waxuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey oo uu yiri: " Calaa iyo xaal ma qabin inaan shacbkeeyga wax u dhimay, waxaana hadda ii muuqata in ay door bidayaan talada iyo daba socodka iimaan lawayaasha madaxda isku sheegaya oo hadba shaati cusub u soo gashanaya kuwaas oo dal iyo dad aan u naxeyn lagana yaabo in ay qaranimada soomaaliyeed ay iibsadaan oo shilimaad siistaan daba dhilifyo u noqdaan ajnabiga---- warkeygiina waxuu noqday nin sidii dudumo la hadlaaya, wax-gareysanayana iima muuqadaan, oo dadku waa wada xamaasadeysan yahay---- koleyba kuwaas maanta shacabka furanaaya ma filayo in ay mustaqbalka u xiri doonaan Saacado nuuca Seeko ah, waxaana warkeyga kusoo gunaanadayaa ha loo dul-qaato waa kaas nabsigu cariga dul- joogee"
Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Goob jooge taariikheed ... M. Hashi oo ka mid ahaa Saraakiishii Sirdoonkii Soomaaliya.
No comments