Qalliin lagu beeray xubinta taranka ragga oo lagu guuleystay
Qalliin lagu beeray xubinta taranka ragga oo lagu guuleystay.
Qalliin qaatay 14 saacadood oo xiriir ah , oo ay fuliyeen 11 dhaqtar oo ku takhasusatay qalliimada ,ayaa lagu soo uruuriyay maqaar,murqo ,lafo, seedo, dareemayaasha iyo xididdada dhiigga nin dhintay
Mid kamid ah dagaalyannaddii hore ee mareykanka ayaa loo sameeyay qalliinkii ugu horreeyay caalamka oo xubinta taranka ragga lagu beerayo, kadib markii uu labbadiisa lugood iyo xubintiisii taranka uu ku waayay qarax bambo oo ka dhacay dadlka Afghanistan.
Waxa la filayaa in ninkani u diyaargaroobo howlihiisa galmo sameynta iyo inuu u aadiyo si caad ah bilaha soo aadan.
Bukaanka oo hadlayay dareenkiisa ayaa sheegay in waxa dhacay ay layaab la tahay, kuna adag tahay inuu si sahal u aamino
Wuxuu yiri: ‘’markii ugu horreysya ee aan hurdada ka soo kacay waxaan dareemayay in aan caadi ahay, waxaana i gashay kalsooni weyn.
Professor Andrew Lee oo ah agaasimaha qalliinka qurxinta jamaacadda john Hopkins, ayaa sheegay in ay rajeynayaan in beeridda ninkani xubinta taranka loo beeray ay caawiso inuu in ay si caadi ah u shaqeyso kaadidiisa iyo galmadiisa labaduba.
Qalliinka kooxdani dhaqaatiirta ah fulisay ayaa qeyb ka ah barnaamij ballaaran oo 60 askari loogu tallaali doono xubnaha taranka.
Horay waxaa u jiray qalliin sidaan oo kale ah oo markii ugu horreysay laga billaabay dalka shiinaha, sanadkii 2006-dii, balse guul darreystay.
qalliin kale oo isna laga sameeyay dalka koon fur afkira sanadkii 2014 ayaa lagu guuleystay, iyadoo qalliinkasi oo loo sameeyay nin 24 sano jir ah loona dhalay wiil sanadkii 2016-kii.
X/Q:Abdirahman dahir guutaale
No comments