HALGAMIHII DAL LAAWE-NIMADA KU DHINTAY.
HALGAMIHII DAL LAAWE-NIMADA KU DHINTAY.
30 sano geeridii Halgame Cabdullaahi Ciise
Shalay (24 Maarso) waxay ku beegnayd 30 guuradii ka soo wareegtay geeri Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Raisul Wasaarihii Dawladdii Daakhiliga ahayd ee Koofurta Soomaaliya (Soomaalidii Talyaanigu haystay).
Inta badan dadka Soomaaliyeed way yaqaannaan taariikhda Halgame Cabdullaahi Ciise sidaas darteed waxa aad mar horeba taaqaanniin halkaan idin ku sheegimaayo ee waxaan rabaa in dul istaago dhowr qodob oo ku saabsan sooyaalkii Halgame Cabdullaahi Ciise oo aysan dadka intooda badani ku baraarugsanayn ama ogayn.
Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud sida uu u ahaa Wasiirkii Koowaad ee ummadda Soomaaliyeed yeelato ha joogeen Koofur, Waqooyi, NFD, Ogadeen iyo Jabuuti ayuu u ahaa Diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato.
Halgame Cabdullaahi Ciise aabbihiis wuxuu dhintay asagoo dhowr bilood jira walaalo kalena ma uusan lahayn oo madi ayuu ahaa. Hooyadiis Mareera Diini ayaa soo korisay. Kaalay oo i la arag halka agoonkaas madiga ahi noloshada ka gaaray iyo magac uu dalkiisa ku yeeshay.
Markii Ingiriisku qabsaday Koofurta Soomaaliya sannadkii 1941 Cabdullaahi Ciise shaqadii dawladda waa laga ruqseeyay, kadib wuxuu bilaabay in uu iskiis u shaqaysto wuxuu na bilaabay ganacsi. Ganacsigaas ayaa Baladwayne isku baraya asaga Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). 1944 Aadan Cadde iyo Cabdullaahi oo Baladweyne jooga ayaa maqlay urur (SYC) dhalinyaro laga furay Muqdisho, dabadeed Aadan Cadde ayay u soo direen Muqdisho si xubnimada ururka ugu soo qoro xaaladdana u soo indha-indheeyo. Aadan markii uu Muqdisho yimid wuxuu toos u abbaaraay xafiiskii ururka Somali Youth Club wuxuu na buuxiyay foomamkii xubinimada ururka lacagtii fee-ga ahaydna waa uu dhiibay. SYC oo 1943 la unkay Aadan iyo Cabduulaahi waxaa kaga horreeyay 15 qofood+13kii aas-aastay=28. Sidaas darteed Cabduulaahi wuxuu fariistay No. 29, Aadan Cadde na No.30. Kadib Aadan Cadde wuxuu ku noqday Baladweyne asagoo sida membership card-kii Cabdullaahi Ciise. Isla markiiba Aadan Iyo Cabdullaahi waxay fureen Xafiiskii Somali Youth Club ee Baladweyne waxaa madax ka noqday Cabdullaahi Ciise. 1947 Cabdulaahi wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee Ururka, wax yar kadib na waxaa loo doortay Xoghayaha Guud ee SYC kadib markii uu geeriyooday Xoghayihii hore Yaasiin Xaaji Cismaan. Xoghayaha Guud wuxuu ahaa madaxa Golaha Fulinta inta badan awoodda ururkana asaga ayaa gacanta ku hayay. Cabdullaahi Ciise isla markiiba wuxuu bilaabeen in uu isbadal ku sameeyo ururka wuxuuna magicii u baddalay Somali Youth League, ururkii yaraana wuxuu u xuubsiibtay Xisbi Siyaasadeed ballaaran oo laamo iyo xafiisyo ku leh dhammaan dhulka Soomaalida min Jabuuti ilaa Gaarisa, Harar ilaa hobyo, Berbera ilaa Baydhabo, Jigjiga ilaa Jamaame. Sooyaalka Soomaalida ma soo marin ilaa maantadaan aan qoraalkaan qorayo Xisbi ka ballaaran ka mug wayn, ka na Talowadaagsan.
Diblomaasigii ugu horreeyay
Octoba 28,1948 Cabdullaahi Ciise waxa uu u safray magaalada Paris oo uu ka dhacayay shirkii quwadihii aduunku (Britain, U.S.A, Russia iyo France) kaga tashanayeen wixii laga yeeli lahaa dalalkii uu rumaysan jiray Talyaaniga oo 3 sano ka hor lagu jabiyay dagaalkii labaad ee aduunka. Shirkaas dawladihii waa waynaa waa ay isku fahmi waayeen arrintii Soomaaliya na waxaa loo gudbiyay Qaramada Midooday. Kadib Cabdullaahi Ciise wuxuu aaday London uu tagay 30/10/1948, waxaa ku dhaweeyay labo nin oo madax ka ahaa laamaha SYL ee Cardiff iyo Liverpool. Mudane. Cabdullaahi Ciise wuxuu London ku la kulmay Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Ernest Bevin taariikhdu markii ay ahayd 3/11/1948.
Safarkii New York
Maadaaba arrintii Soomaaliya loo wareejiyay Qaramada Midoobay Cabdullaahi Ciise wuxuu u safray New York halkaas oo uu k daray bishii Maaran 1949. Berigaas Qaramada Midoobay ma deggan halka ay hadda degan tahay ee waxay degganayd meesha la yiraahdo Lake Success oo isla New York ah.
Qaramada Midoobay waxaa horyaallay qorshe ah in Tayaabiga di loogu celiyo Soomaaliya balse Cabdullaahi si daran ayuu uga soo horjeesaday qorshahaas. Ugu damabayn Qaramada Midoobay waxay go'aan ku gaartay in Talyaaniga dib loogu celiyo Koofurta Soomaaliya uuna xorriyad ku gaarsiiyo 10 sannadood laakiin si cadhada iyo qaylada Cabdullaahi loo yareeyo waxay Qaramada Midoobay Talayaanigu ku lartay dhowr iyo dal iyo QM in ay kor kala socdaan maamulka Talyaaniga taas oo awooddii Talyaaniga aad u wiiqday. Cabdullaahi intii Qaramada Midooday joogay wuxuu si ba'an cambaarayn jiray gumaystaha Talyaaniga ee Soomaliya dib loogu celiyay. Tusaale ahaan; 0ctober 1950kii wuxuu Qaramada Midoobay u sheegay in Talyaanigu ku xadgudbay ballantii iyo axdigii Qaramada Midoobay gaboodfallo badanna uu Soomaaliya ka gaystay. Wuxuu Qaramada Midooday ka codsaday in la sameeyo meeyo guddi la tashi (Consultative Council). You dambayn dawladda Talyaanigu waxay u adkaysan wayday cambaaraynta Cabdullaahi Ciise uu maalin kasta U.N-ta u ka horjeedinayo kadibna waxay Maraykanka ku cadaadisay in uu kansalo fiisaha Cabdullaahi ku joogo Maraykanka, dawladda Maraykankuna way kansashay. Intaas kadib Cabdullaahi wuxuu aaday dalka Canada oo muddo joogay inkastoo oo la sheegay in New Your dhowr jeer dib ugu soo noqday.
Ku noqoshadii Muqdisho.
Sannadkii 1954 Talyaanigu wuxuu abaabulay doorasho ka dhacda Koofurta Soomaaliya taas oo lagu doortay Gole la oran jiray Territorial Council. Intii lagu jiray qabanqaabada doorashada ayaa Cabdullaahi dalka ku soo noqday. Balse waxaa dhacday markii uu ka soo kicitimay Maraykanka in Dawladda Talyaanigu go'aan ku gaartay in Cabdullaahi lagu xayiro ama lagu hakiyo Talyaaniga oo uu Transit ku soo ahaa si uusan doorashada uga qaybgalin. Talyaanigu waxay diyaariyeen kulamo Cabdullaahi la yeesho madaxda Talyaaniga iyo goobo dalxiis oo la geeyo si loo mashquuliyo. Cid sirta u soo gudbisay la ma yaqaane halkii laga filayay in uu raaco diyaaradda Al Itaaliya Cabdullaahi wuxuu raacay British Airways Talyaanigiina waxay ka warheleen asagoo Muqdisho ka degay doorashadiina wuu ka qaybgalay wuxuu noqday xubinta kaliya oo muqdisho laga doortay. Doorashadaas waxaa ku guukaystay SYL.
Doorashadii 1956
Sannadkii 1956 waxaa dhacday doorashadii Golihii Sharcidajinta waxaana ku guulaystay SYL. sida xeerka SYL ku taallay Waxaa Raisul Wasaare noqonayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga marka Xisbigu doorashada ku guukaysto. Sidaas darteed Cabdullaahi Ciise wuxuu dawladdii ugu horraysay soo dhisay 7/5/1956 dawladdaas oo jirtay ilaa 1959 oo doorasho labaad la galay taas oo mar labaad SYL ku guulaysatay Cabdullaahi na din dawlad u soo dhisay.
1960
Xorriyaddii kadib Cabdullaahi Ciise wuxuu noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya xilkaas oo uu hayay ilaa 1964.
1969
Markii ciidanku taladii dalka xoogga ku la wareegeen sannadkii 1969 Cabdullaahi Ciise waa la xiray wuxuu na xirnaa muddo 4 sannadood ah.
Safiirnimo
Sannadkii 1973dii Taliskii Siyaad Barre wuxuu xabsiga ka sii daayay Halgame Cabdullaahi Ciise wuxuu na u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Swedan iyo dalal kale ee Scandinavian-ka taas oo loo macnayeeyay masaafuris siyaasadeed.
Iscasilaad
1983dii ayuu Halgame Cabdullaahi Ciise iska casilay xilkii safiirnimo wuxuu na magangalyo siyaaseed ka helay dalka Talyaaniga oo horay cadaawad xuni u dhextaallay.
Dal laawe
Intii Cabdullaahi Ciise Talyaaniga joogay waxaa ka dhacay Baasaboorkiisi Soomaaliga ahaa Dawladdii Siyaad Barre na way u diiday in uu cusboonaysiisto sidaas awgeed ayuu Cabdullaahi u dhintay asaga oo sharci ahaan dal laawe (Stateless) ah. Sidaas oo ay tahay Cabdullaahi Ciise waligiis ma dhaleecayn ma na cambaarayn dawladdii 4 sano xabsiga ku haysay kadib na boosaboorka u diiday.
Dhimasho
Halgame Cabdullaahi Ciise wuxuu Talyaaniga ku geeriyooday 23 Maarso, 1988. Wuxuu ahaa 65 jir. RABBI ha u naxariisto qabrigiisana ha u waasiciyo.
W/Q; Cali M. Diini
No comments