Taariikhda Magaalada Qadiimiga ah Ee Mareeg.
Taariikhda Magaalada Qadiimiga ah Ee Mareeg.
Magaalada Mareeg Waa magaalo taariikh fog oo ku taala gobolka Galguduud, Magaalada Mareeg bedkedu Wuxuu dhanyahay 77,167 km² waxayna dhacdaa gobollada dhexe ee Soomaaliya, bari waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, Koonfur waxaa ka xiga Shabeellaha dhexe, Magaaladaan waxey ka koobantahay sadax degmo oo kala ah Degmada Ceeldheer, Degmada Galcad iyo Degmada Dur Dur.
Magaalada Mareeg waxaa la'aas-aasay qarnigii 16 waxaana aas-aasay shadoorwarsame cali Magaaladaan waxey ka midtahay magaalooyinka taariikhda dheer leh somalia waa magaalo xeebeed, waxaa kale oo magaalada loo sameeyay suldaano, qarnigii 15aad iyo 19aad inta u dhaxeeso 2ada qarni waxaa katali jiray boqro iyo salaadiin ilaa laga soo gaaro gumeestihii talyaaniga kaas oo u noqotay xaruntiisa 3aad o kaxukumo dalka soomaliya.
Magaalada Mareeg Waxey ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa Waa magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas, waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato.
FADLAN #Share GAREEYA
No comments