Hooyo macaan iga raalli ahow
Hooyo macaan iga raalli ahow
Islaan ayaa waxa ay maalin canaanatay gabar ay dhashay. Gabadhu, waxa ay markaas ahayd inan inta waayadaas qaan-gaartay, caaddaas maraysay! Inta hooyadeed dhoocil la mid ah ka soo qaadday, bey maran iyo jaqjaq kala hor timid. Xaarxaarintii inta si kale u qaadatay, bey inta qolkeedii gashay, oo soo labbisatay, iska dhaqaaqday. Halkii ay u jeedday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, goor cilcillow ah meel jardiin ah iska fariisatay. Iyada oo weli darbigii fadhida, ayaa waxaa kor ka aragtay islaan gurigeedii adeeg u wadatay. Inta ku soo leexatay, bey ku tiri “Eeddo, maxaa meesha ku fariisiyey?”. Gabadhu, indhaha bey ka eegtay mooyee, islaantii uma war-celin. Islaantii, inta aragtay in ay gabadhu wax si ka yihiin, bey misena ku tiri “Eeddo, soo bax, aan gurigeyga ku geeyee…”. Gabadhii, dan baa haysaye, waa dabagashay.
Markii ay gurigeen tageen, ayaa islaantii aragtay naabta afka ka saaran, kolkaasina garatay in ay gabadhu gaajaysan tahay. Inta dabkii shidday, ayey isla markiiba ugu tuurtay baasto. Kolkii ay gabadhii feeraha iska saartay, bey inta islaantii gacanta ka dhunkatay, ku tiri “Eeddo, aad baad u mahadsan tahay. Hooyadeyna saan ogaa bey iigu qalineysay, adna, adiga oo aysan waxba isku kaaya gelin, ayaad inta i soo wadday cunto macaan gurigaaga iga siisay”. Islaantii oo markaas fahantay xaalka gabadha, ayaa inta u soo dhawaatey ku tiri hadalkan gabadhii beddelay “Eeddo, cuntadan aan hadda ku siiyey ayaad sidaas kal-iyo-laabta ah iigu mahad celinaysaa, ka warran islaanta, inta aan ogaa caloosha kugu sidday, maalintii aad dhalatay ilaa iyo haddana wax ku soo siinaysay. Eeddo, soo taa kaa ma mudna mahadin weyn? Miyey kaa istaahishaa in aad dhegeysato ama aad la muranto, oo waxa ay ku farto ka-madax-adeygto?!”.
Gabadhii, isla markii ba is beddel baa ku dhacay, waxa ayna go’aansatay in ay gurigii ku laabato. Iyada oo dhex sii maraysa ayey is heleen hooyaadeed, oo saacado badan baadi-goobaysay. Hooyadii, inta gabadhii ku soo boodday oo labada dhaban mac ka siisey ayey soo kaxaysay. Inta gabadhii qolka fadhiga kaga hormartay ayey ku tiri “Hooyo macaan soo gal, waad gaajaysan tehee, kaala cun raashinkan aan kuu diyaariyey”. Gabadhii, kolkii ay fariisatay, ayey aad u eegtay cuntada ceyn-ba-ceyn ka ah ee hooyadeed u diyaarisay, oo weliba aadka uga wanaagsan midda ay islaantii siinaysay. Markaas baa gabadhii inta laabteedii raxmadi rusheysay, oo ay is heyn weydey, hooyadeed inta ku boodday oo isku duubtay, oo shummis ku boobtay, iyada oo oyeysa waxa ay ku lahayd “Hooyo macaan waan ku jeclahay… Hooyo macaan waan khaldamay…Hooyo macaan iga raalli ahow”.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
No comments