Header Ads

Sheekadani wax ay caddeynaysaa in qof kasta uu noqon karo mid qiimo ku leh nolosha, haddii ay taa niyadda gashadaan

Sheekadani wax ay caddeynaysaa in qof kasta uu noqon karo mid qiimo ku leh nolosha, haddii ay taa niyadda gashadaan.

Hambalyo Garyaqaan Abdulsalam Idowu.
_____________________

Curyaan ka dawarsada waddooyinka ayaa noqdey GARYAQAAN, taas oo uu lacagta Iskuulka ka bixin jirey dawarsiga.

Dawarsade ayaa uu ahaa tan iyo yaraantiisii. Waxbarashadiisa, meesha keliya ee uu ka bixiyo wixii kharash ah ayaa ahayd lacagta dadku sadaqo ahaan u siiyaan. Dhawaan ayaa Abdulsalam Idowu looga yeedhay goobta laylinta garyaqaannada Arbacadii, Noofembar 30keedii 2017 si uu u noqdo Lawyer ka shaqeeya gudaha waddanka Nayjeeriya.

Punch oo ah weriye ayaa sheegay in Idowu uu ka soo gudbay caqabado oo dhan si uu u dhammaysto Shahaadada Koowaad ee Sharciga, ee uu ka baranayey jaamacadda  Lagos sannadkii 2015 una sii gudbo School Sharciga ee Niayjeeriya, halkaas oo uu ka mid noqdey ardaydii ugu cadcadeyd ee sannadii 2016, bilihii Ogos iyo Sebtembar laga qaadey imtixaanka kama dambayska ahaa.

Idowu waxa uu ka mid ahaa 4,225 ardey oo ka qallinjabiyay iskuulka sharciga ee Nayjeeriya, kuwaas oo loogu yeedhay Maxkammada Abuja, Salaasadii iyo Arbacadii.

Saddex sanno jirkiisii, Idowu waxa uu waayey hooyadii, dabadeed waxa haleelay cudur naafeeyay oo awooddii socodkiisa meesha ka saartey. Dhimashadii hooyadii kadib, waxaa uu la noolaa aabihii iyo qaraabadiisa oo aan dan ba ka lahayn mustaqbalkiisa. Idowu waxa uu bilaabey dawarsi, isaga oo siddeed jir ah, kana tuugsan jirey gudaha magaalada Erin Ile, Gobolka Kwara, si uu ugu bixiyo waxbarashadiisa hoose illaa sarre ba.

Dedaal dheer oo samir  iyo ad-adayg uu sameeyay kaga soo gudbey sannado badan oo isaga tab iyo xeelad ba rabey in ay hankiisa god ku ridaan, 37 sanno jirkiisii, 2011kii ayaa uu qaatey shahaadada koowaad ee cilmiga siyaasadda isla jaaamacadda Lagos laakiin kuma uu qanacsaneyn haysashada shahaadadan isaga oo aan waxba ka aqoon sharciga. Sidaa daraadeed waxa uu halgan kale u galay sidii uu aqbalaaddii (admission) barashada sharciga u heli lahaa inta uu dhiganayey cilmiga siyaasadda, gaar ahaan sannadkiisii u danbeeyay.

Mahadhooyinka dhibaato ee degenaanshaha ka helay qaybo ka mid ah maskaxdiisa ayaa ku soo kiciya ladh sababa in uu ilmeeyo, murugoodo ... dabadeed ku farxo guusha uu gaadheh maanta.

Badhtamihii 1987-kii, waxa uu isaga oo siddeed jir ah dhiganayay dugsiga barbaarinta carruurta ee dowladda. Dhammaan ardaydii ay isku fasalka ahaayeen waxa loogu ballanqaadey in ay u gudbayaan fasalka koowaad ee iskuullada asaasiga ah balse isagu ballanqaadkaa ma helin.
Waxaa uu maamulka dugsiga waydiiyay sababta looga reebay maadaama uu xiisadda yimaado mar kasta, imtixaankana fadhiisto. In aanu diiwaangashanayn ayaa loo sheegay sidaas aawadeedna aan keliya loo ogol yahay uun imaatinla xiisadaha iyo gelista imtixaanaadka.

Maalintaas waxa uu dareemay murugo. Guriga markii uu yimi ayaa uu aabbihii iyo ayeydii oo da' ahayd weydiistay in uu rabo sidii looga dhigi lahaa ardey iskuulka u diiwaangashan, laakiin waxa ay u sheegeen in aanay u hayn awood dhaqaale hawshiisa. Waxa uu ku adkeystay in la diiwaangeliyo oo uu isagu dusha u rito wixii kharash ah ee ku baxaya.

Waxaa la diiwaangeliyey iskuulkii, isaguna waxa uu debberi jirey lacagta ku baxaysay. Waddooyinka ayaa uu fadhiisan jirey oo uu ka heli jirey caawimo dhaqaale.

Si kasta oo noloshu uga hor timi Idowu, hadana ma niyad jabin. Waraysigii laga qaadey kadib waxaa lagu soo daabacay wargeysyada, halkaas oo ururada samafalka ee Nayjeeriya ay go'aansadeen in ay badhitaaraan dhaqaale ahaan iyo awood ahaan ba.

Idowu waxa uu yidhi: "waxa aan jeclaan lahaa in aan dib ka aasaaso shirkad sharci, laakiin mustaqbalka dhaw wax aan rabaa in aan noqdo qaaddi".

Mar labaad hambalyo Garyaqaan Abdulsalam Idowu.

W/Q: Samburger
W/T: Cabdisamed Shire

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.