Header Ads

Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaala agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaala agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Waxaa la sheegay inay ku Sameeyeen baaritaan aan la ogeyn wuxuu salka ku hayo.

Markii uu weerarku dhaacyay ma jirin wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidankii ilaalada ka ah Guriga Cabdi Qeybdiid, inkastoo isagu uu Guriga ka maqnaa.

Senator Cabdi Qaybdiid oo Weerarka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan garanayn sababta keentay in gurigiisa ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Somalia ay galaan, isagoo xusay inay burbur gaarsiiyeen.

“Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Somalia ayaa gudaha u soo galay gurigayga xilli ay ila joogeen xubno ka tirsan labada aqal ee golaha baarlamaanka Somalia, burbur ayayna qaybo ka mid ah guriga ka geysteen,” Ayuu yiri Qaybdiid.

Sidoo kale Senator-ka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda laga doonayo inay caddeeyaan sababta keentay in gurigiisa lasoo weeraro, isagoo warbaahinta ka dalbaday inay gurigiisa eegaan burburka loo geystay.

Dhanka kale, Waxaa weerarka kaddib guriga Senator-ka gaaray saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo uu ka mid ahaa taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Jen. Gorod, isgaoo sheegay in baaritaanno lagu sameyn doono sababta keentay in guriga xildhibaanka lasoo galo.

Ugu dambeyn, Hoyga Senator Aqalka Sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu Dastuurka dalka dhigayo.

Laakiinse lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.