Header Ads

QOWMIYADDA DOGON


QOWMIYADDA  DOGON

Dogon waa qowmiyad tiro yar oo degta buuraleyda dalka Maali ee  galbeedka qaaradda Afrika.  tiro ahaan waa dad lagu qiyaaso illaa 300,000 (sadex Boqol oo kun ) oo qofood. Luqadoodana waxaa layiraahdaa Sigiso.  waa luqad hadal uun ah oo aan wax qoraal ah lahayn.  waa qowmiyad ka fog loollan waliba oo ka jira dalkooda.  haddii ay ahaan lahayd dhanka waxbarashada, siyaasadda iyo hurummarka nololeed oo dhan.  waa farsamo yaqaanno bir maal ah si wanaagsanna u naqshadeeya sawir gacmeedyada geedaha laga qoro ee Asnaamta ah.  Kuwaa oo ay ka iibiyaan bulshooyinka wuqooyiga Afrika badi.

*Caqiidadooda.

Dogon Waa qowmiyad aan wax DIIN ah heysan .  waxay aaminsanyihiin fikrrado ay AB ka AB kala dhaxlleen oo ku dhisan caqligooda liita. 

Waxay rumeysanyihiin in illaah layiraahdo AMAA uu samada ku abuuray xidigo.  Kaddibna uu  sallad qaab  markab u sameysan dhulka ku keenay nafleyda.   Salladii Waxaa kasoo dhacay Mas barakeysan iyo Dawaco kheyreysan Waxayna dhaleen afarta qofood Dogon kula baxaan ( Doon, giyoo, doono iyo aaroo).  Markaa kaddib ayaa Waxaa cirka kasoo dhacay bir tume dab kasoo Xaday samada si uu farsamada u baro Dogooniyiinta.  Xidiguhu  waa waalidkeen Waxayna cirka ku hayaan walaaleheeni kale.  dunidaan waan iska joognaa mooyee annagu dad cirka ka yimid ayeynu nahay.  Sidaa Waxaa yiri GOSO DIYARA.  oo ah ninka hadda u Dogon u matala wakiilka  illaahooda AMAA ee AAGOON.  ( wakiil hoosaad  ).

Waxaa layaab leh in qowmiyadda sidaa u dambeysa ay dunida uga horreeyaan aqoonta Cilmiga xadigiska . Iyagoo dunida horteed qalab la'aan ogaaday xidiga Sirious.  oo dunida horummar ay teliskoob ku ogaatay.  waxaa dhacday in Dogon Sheegeen inuu jiro xiddig yar oo Sirious ku agyaalla oo  serious walaalkiis kayar ah.  dunidii horreysay ee qalabka heysatay ayaa mar dhaxe ogaatay inuu jiro Sirious B.

Dogon waxay kheryka ka fishaan dadkoodi dhintay iyagoo Aaminsan in Dawacadu xog ka keento waalidiintoodi dhintay. 

Kontonkii sannadoodba Mar ayey Marti qaad iyo soo dhaweyn dhaqan iyo falsafad ku jaan go'an  u sameeyaan wax aanay cidnna u jeedin oo ay kusheegaan iney kayimideen samada.

Faalloow  la yirahdo OORO DOMBO ayaa aaminsan inuu isagu yahay  ninka akhriya raadka ayeeyadiis dawacada barakeysan. 

√ Illahow adigeey mahad idilkeed kuu sugnaatay.  Oo nagu manneystay diinta toosan.  الحمد لله.

W/Q :   Abdirahman Dhagaafe.

            #Share dheh oo lawadaag Asxabtada.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.