Taariikh Kooban iyo Waxa ay Tahay Shabakada Wararka Sirta ah Baahisa ee Wikileaks (Fadlan Walaal Akhri)
Taariikh Kooban iyo Waxa ay Tahay Shabakada Wararka Sirta ah Baahisa ee Wikileaks (Fadlan Walaal Akhri)
==========================================================
”Wikileaks waa warbaahin caalami ah oo aan aheyn faa’ido-doon (maaliyad), soona tebiya xogo sir ah, dhanbaalo iyo warar xul ah oo laga soo xigtey qof ama koox ka gaab-saday in la magac-dhebo” waxaana aasaasey nin lagu magacaabo: Julian Assange, oo u dhashey wadanka Awstareeliya, da’adiisuna tahay 44 jir. Shaqadiisu waa, xeel-dheere aaladda kombuyutarka, Weriye isla markaana soo saare sida Buugaagta, Wargeysyada iwm. Ka horna waxa uu ahaa nin ku xeel-dheer Tabaha kompuutarada xogta loogala baxo/jabsado ama waxa afka Ingiriiska lagu yiraahdo (hacker).
Mr Julian Assange waxa uu magan mudaba u ahaa safaaradda wadanka Ecuador ee London ku taal, waxaana loo haystaa sirahaa uu aduun-weynaha u soo bandhigey. Haatan waa tafatiraha-guud ee shebekadda wikileaks oo la aasaasey sanadkii 2006,kii. Su’aasha mudan in aan is weydiinaa waa, ma dhabaa mise waa been-abuur wararka ay soo daabacaan???????.
Akhriste, jawaabta adigu ba maankaaga la kaasho waxaanse tusaale ka soo qaadaneynaa dhacdooyin ka dhashey xogo sir ah iyo waliba fadeexaddo wikileaks soo daabacdey oo dheliyey in dawladdo saaxiib ahaa ku kala dudaan ama ku kala boodaan dawlaadahas oo ka mid ah kuwa caalamka ugu horeeya dhinacyada dhaqaalaha, teknoolajiyadda, aqoonta iyo sirdoonkaba. mar kaliyana dawladahaas may oran wikileaks been-abuur buu qoraa ee inaga dhaafa warkiisa!!! waxaana jira rag xarig ku muteystey soo bandhigida xogaha sida nin la yiraahdo Bradley Manning oo maxkamad ku taala dalka mareykanka ay ku xukuntay mudo 35 sano ah oo haatan xabsi wadanka maraykanka ku yaal ka jiiq leh iyo qaar kaloo dalkoodii deyro iyo danbiile ka noqday sida Edward Snowden oo dalka mareykanka u dhashey oo isagu haatan dalka Ruushka fakad ama baxsad ku jooga, loona haysto xogo uu shaaciyey.
Fadlan walaal share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan Qormadan.
Qalinkii: Cali Jaamac Diiriye.
No comments