Diin keen oo qaado 200,000$$$$$$$$$
Xayawaanka Diinka ayaa ugaarsigiisa illaa hadda aan la ogeyn sababta saxda ah iyo waxa laga helo waa sheeko ganacsi isku badashay balse waxaa la raadin Jowharad Maska oo la sheegay inuu liqo oo calooshiisa laga helo.
Mid Ka Mida Dilaaliinta Diinka kala iibiya oo Sheegay Diinka Nooca la raadinayo in laga Helo Deegaanada Puntland asagoo Sharaxay Qiimaha lagu Doonayo inay tahay Aduun lacageed oo Dhan $200, 000 Laba Boqol oo kun oo Dollar !!
Maxamed Yuusuf Xaayow oo ah dillaal ka shaqeeya sayladda kala iibsiga Diinka ee ka dillaacday Magaalada Muqdisho, ayaa yiri “Dadka sheekadani soo gaadhay qaar si dhab ah ayay u qaateen qaarna si malo awaal ah. Wali dadku si wanaagsan uguma baraarugsana. Waxaan umadda Soomaalida u sheegayaa in ay arrintani dhab tahay Diinka nooca la raadinayp uu koova Deegaanada Puntlamd . Qiimaha Diinka la kala siisanayo nooca la Rabo uu Dhan Yahay $200.000 Laba Boqol oo kun oo dollar.
Waa kala duwan tahay qaar way ka sarraysaa Qiimahan, Qaarna waa Qiimo dhexdhexaad ah, qaarna waa Qiimo hooseeyaa. Ninka doonaya in uu iibsado Diinku su’aasha ugu horreeya ee uu ku waydiinayaa waxa ay tahay Taleefanka ma Daminayaa (Bakhtiinayaa)?, wuxuu ku odhanayaa soo tijaabi, kadib waannu baxaynaa waxa aad u tagaysaa ninkii Diinka hayay. Taleefanka ayaad saaraysaa inuu ku damaayo iyo in kale. Haddii uu Taleefanku ku Bakhtiyayo waxa aad la xidhiidhaysaa ninkii doonayay iibkiisa. Kadib waxa uu ku odhanayaa lacagta maxay ku rabaan, Isagu waxa uu kuu sheegayaa qiime dadka diinka wataana lacag ayay kuu sheegayaan. Kadib marka lacagaha la isku af-garto ayaa la kala qaadanayaan oo Diinka la kala iibsanayaa, Laakiin inta badan Diinka hadda Xamar jooga Taleefanku kuma bakhtiyayo, Waxaa naloo xaqiijiyay Diinka loo baahan yahay inuu joogo deegaanada Puntland.
Waxaan weydiinay ninkaan Dillaalka ah bal astaamo kale oo lagu garan karo Diinka ay doonayaan dadka iibsanayaa oo aan ahayn in uu taleefanka ku damayo ayaa ugu jawaabay sidan: “Waxa ay ku odhanayaa waa inuu qabsadaa Birlabta. In Anteennada taleefanku tagayso oo uu Network-ga luminayo. Waa in uu sida Birlabta oo kale wax ku dhagayaa oo uu qabsanayaa Boolasha, Makiinadaha iyo walxaha la mid ah ee birta ah. Haddii aanu intaa midna samaynayn rajo ma laha lamana iibsanayo. Dadka doonaya iibka Diinku waxa ay sheegayaan in Diinka Teleefanka bakhtiinayaa uu yahay diin liqay marka hore jowharadda Maska sidaasi darteed ayuu taleefanka u daminayaa. Waxa ay ku leeyihiin midna inta uu liqo ayuu matagayaa kaasi waa ka Anteenka Moobilka ka kaxaynaya Birlabtana leh, kaasi dambe qiimihiisu waa yar yahay”.
Ugu dambayn ninkan Dillaalka Diinka ah ee Maxamed Yuusuf Xaayow oo ka hadlaya qiimaha dhabta ah ee Diinka la kala siisanayo waxa uu yidhi: “Haddii ay shirkadi doonayso oo la helo diinka Taleefanka damninaya waxa uu qiimihiisu gaadhi karaa 200 oo Kun oo dollar. Waa haddii uu Taleefanka damiyo, taleefankaasina aanu rajo dambe yeelan oo aanu shaqayn wixii intaa ka dambeeya marka Diinka la dul dhigo ee uu damiyo. Kuwa kale qiimahoodu intaasi waa uu ka hooseeyaa”. Ayuu yidhi Dillaal Xaayow.
Si kastaba ha ahaatee in badan oo ka mid ah shacabka Puntland oo maqlay suuqa ganacsi ee Diinka ee ka dillaacay dalkaasi Soomaaliya ayaa hanqalka la kacay iyaga oo durba dadka qaar Bilaabeen in ay keynta u baxaan oo ay tijaabiyaan diinka taleefanka Bakhtiinaya lamana oga halka ay sheekadani ku dambaybn doonto.
Maamulka gobolka Sanaag ayaa markii ugu horraysay ka digay in la ugaarsado xayawaanka Diinka oo si weyn uga socotay gobolkaas.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa ka digay in gobolka Sanaag laga ugaarsado Diinka gaar ahaana deegaanada hoos yimaada magaalada BadHan ee Puntland.
No comments