Maraykanka ayaa joojinaya gargaarka cunnada iyo shidaalka la siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya
Maraykanka ayaa joojinaya gargaarka cunnada iyo shidaalka la siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyaga oo welwel ka muujiyay musuqmaasuqa.
Ku dhawaaqista arinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka xaaladiisa ay liidato iyadoo nabad-ilaaliyeyaasha Afrikaanka ah ay bilaabi doonaan bishaan inay ka baxaan dalka.
Ciidamadda Midowga Afirka – ee ka kala socda wadamada Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda - ayaa la qorsheynayaa inay ka baxaan dalka 2020-ka. 1,000-ka askari ee ugu horreeya ayaa tagaya dhammaadka 2017.
Midowga Afrika (AU) ayaa Muqdisho soo galay toban sano ka hor si ay ula dagaallamaan al-Shabaab waxaana qorshuhu ahaa in ugu dambeyntii ciidamada xooga dalka ay la wareegi doonaan waajibaadkooda.
Laakiin Maraykanka, oo sidoo kale maal-galiya 22,000 oo ciidanka nabad-ilaalinta, ayaa ka careysan ama niyad jab ka qaaday in xukuumadaha isdaba jooga ay ku fashilmeen inay dhisaan ciidan qaran oo macquul ah.
"Wadahadaladii u dhexeeyay Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay ku guuldareysteen in ay u qalmaan kaalmada Maraykanka," ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal oo u waramay Reuters ayaa xaqiijiyay inuu jiro welwelka qaar lagana hadlay. Isagoo intaa ku daray in xukuumadda federaalku ay ka shaqeyneyso inay wax ka qabato arinka, sida aan kasoo xiganay Reuters.
No comments