Header Ads

Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu dambeyn amar maxkamadeed lagu sii daayay

Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu dambeyn amar maxkamadeed lagu sii daayay kadib markii wax dambi ah lagu waayay, xeer ilaalinta Qaranka ayaa heli weysay cadeymo ku filan eedeynta ay usoo jeediyeen Cabdiraxmaan, hoolka maxkamadda waxaa qabsaday sawaxan iyo ereyga (Guul) markii xukunka lagu dhawaaqay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in markii horaba qalad lagu soo xiray CC Shakuur madaama aanu jirin amar maxkamadeed, Xeer ilaalintu xaq uma lahan iney ciidanka amar ku siiyaan iney cid soo xiraan, waxey awoodaan iney maxkamadda ka codsadaan kadibna ay maxkamadu bixiso amar lagu soo xiraayo qofkaas.

Hadda waxa xiga waa sidii laga yeeli lahaa dadkii ku dhintay weerarkii habeenkaas ka dhacay guriga Cabdiraxmaan, Dowladda Somalia waxaan ku bogaadinaya sida daah furnaanta ah ee ay u maareysay arinkaan, Cabdiraxmaan isna waxaan ku bogaadinaya sida uu ugu adkeystay in sharciga hortiisa lagu kala baxo.

X/Q:Cabdulaahi Cismaan Faarax

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.