Aniga maan yaabin!!!!!!!!!!!!!! QISO YAAB BADAN!
Aniga maan yaabin!!!!!!!!!!!!!! QISO YAAB BADAN!
Waa wiil dhalinyaro da' ahaan aan ku qiyaasay 20-23 jir, Mooto bajaj ayuu wadaa, waa xilli duhur ah qiyaastii 01:00pm markaan heshiinay oo uu iqaaday ayaa sheekadan na dhex martay:
Bajaajle: waxaad tahay qof kii ugu horeeyay ee aan qaadayo maanta.
Aniga: Oo xalay oo dhan miyaad shaqaynaysay maxaad saaka hurdada ugu daahday?
Bajaajle: maya, sxb inta badan fiidkii waan ba iska xaroodaa oo habeen kii shaqo fiican ma jirto ayaantaan.
Aniga: waqti hore hadad xarooto waadba fiicantahay ee xaas ma leedahay?
Bajaajle: intuu yara qoslay ayuu yiri, aniga xaas la igu ogyahay ma qabo waligayna ma guursanin guur la ogyahay lkn 3 ayaa qudbo siro iigu nikaaxsan hadda.
Aniga oo yaaban ayaa iri sadex aaa!!!!!
Bajaajle: markaasuu intuu bareeg qabtay bajaajtii oo uu dib iisoo milicsaday igu yiri maxaa mala yaabtay, waliba sadexdan kaliya ma ahane 4 hore oo iyagana aan qudbo siraystay oo aan fasaxay ayaa jira oo sidaas aniga 7 nikaax ayaan ku marayaa.
Aniga: afkala qaad ayaa iga soo haray, waxan waydiiyay, 4 ta aad fasaxday malagu ogaaday inad qabtay?
Bajaajle: maya maya see loo ogaanaa, mid kasta cabaar markan qabo ayay Guri iyo aroos ii dhig ayay i dhehee anna waxan dhahaa diyaar ma ihi kadibna i fasax ley dhehee anna saan rabay lee mo ohoo waa daynaa lee.
Aniga: waxan waydiiyay 3 da aad qabto hadda ma gabdho guur soo maray baa mise?
Bajaajle: wuxuu igu yiri mid ayaa garoob ahayd 2 da kale guur hore masoo marin.
Aniga: Sadexdooda miyaad wada reeraysan mise mid baad ka rabtaa.
Bajaajle: intuu isagoo qoslaya isoo fiiriyay ayuu igu dhahay mid aan dan ka leeyahay ma jirto.
gabar wanaagsan oo guriga aabeheed aan ka soo wato aan guursana mustaqbalka.
Aniga: Waan yara waaniyay, koley inuu wax ku qaadan iyo inkale ilaahay baa og, lkn aniga waa iga yaabiyay.
#FariintaSheekada
#Wiilalow gabdhaha masaakiinta ah mustaqbalkooda yaan lagu ciyaarin, ee hadad guur ka rabtaan si sharaf leh u guursada.
#Gabdhow adinkana waad aragtaan dabinka idiin yaala ee sharaftiina iyo karaamadiina ilaashada, oo inta aan gabarnimadaada lagu ciyaarin caqligaagu ha shaqeeyo.
#Adigana Sheekooyinka Magaalada maxaad ka haysaa
Waxaa Qoray Maxamed Barawaani
No comments